4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Xaflad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Udubland oo Stockholm lagu qabtay (SAWIRRO)


Axad, 17 July 2011(HOL): Xafladdan lagu soo dhaweynayay madaxweynaha maamul goboleedka Udubland Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow ayaa lagu qabtay Magaalada Stockholm ee xarunta ah Dalka Sweden.

 

Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan oo isaga kala yimid gobollada dalka Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Wakiillada Dowlad goboleedyo horay loo sameeyay, kuwaasi oo dhaweeyay dowlad goboleedka Udubland iyo madaxweynihiisa Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow.

 

Dr. Maxamed Ciise oo metelayay Dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa ugu horreyn ka hadlay xafladda wuxuuna soo dhaweeyay dowlad goboleedka Udubland iyo madaxweynihiisa, kaddibna wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabkii loo dhisay dowlad goboleedka uu ka dhisan yahay iyo weliba waxyaabihii uu qabtay iyo wax uu hiigsanayo.

 

Wuxuu sheegay in Dowlad goboleedkooda Ximan iyo Xeeb wuxuu kaalin weyn ka geystay in uu is-fahamsiiyo dadka ku dhaqan deegaannada uu ka taliyo, isla markaana uu maslaxadooda ka shaqeeyo, sidoo kalena uu deris wanaag iyo xiriir iskaashi uu la sameeyo dowlad goboleedyada deriska la ah.

 


Wuxuu u rajeeyay madaxweynaha Udubland in uu noqdo nin ka soo dhalaala xilka loo magacaabay, isagoo sheegay in uu yahay nin karti hoggaamineed leh, isla markaana horumar gaarsiin kara dadka deegaannada Udubland, dadka deriska la ah iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Xildhibaan Cabdi C/lle Siciid Jinni Boqor oo xafladda goob-joog ka ahaa isna ka hadlay xafladda wuxuuna sheegay in dowlad goboleedka Udubland uu ka yahay mid dowlad goboleedyo 10 kor u dhaafaya oo ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la sii badiyo dowlad goboleedyadaas, maadaama buu yiri kala dambeyn, dib u heshiisiin iyo iskaashi loo baahan yahay.

 

“Waxaan leeyahay Soomaaliya degmooyinkeeda maamul goboleedyo ha laga sameeyo waayo waxaa la gaaraya in qoladii meel wada deganba ay horay dhinac walba leh gaarto kaddibna loo gudbo Soomaaliya oo dhan. Sida ay ila tahay maamul goboleedyada hadda jira ma diidana dowlad dhexe ee waxaa looga baxayaa dowlad la’aanta iyo kala dambeyn la’aanta, waxaana imaanaya sidoo kale waxqabad dhinacyada bulshada ah”ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor.

 

Libaan Xuseen Cusmaan oo metalayay Dowlad Goboleedka Azania ayaa isna ka hadlay Xafladda wuxuuna sheegay in dadka Udubland iyo Dadka Azania ay deris yihiin, ayna weligood ahaan jireen. “Dadka Udubland waa dad nabadda jecel, dagaal marka ay timaadana waa dad lagu xusuusto dagaalkii ay la galeen gumeystihii Talyaaniga, waana soo dhaweyneynaa dowlad goboleedka ay sameysteen iyo weliba madaxweynahooda”ayuu yiri Liibaan Xuseen Cusmaan.

 


Kerstin Gustavsson oo ka tirsan Xisbiga talada dalka Sweden haya ayaa xafladda lagu casuumay, kana hadashay, waxayna sheegay Kerstin in ay mar kasta Soomaalida ku aragto wax ka yaabiyo sida maamul goboleedyada badan ee sameysmay muddooyinka dhow iyo kuwii horay u jiri jiray.

 

“Waxaa jiro Muqdisho, Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Jubbaland, waana wax lagu dayan karo, waayo waxaa lagu sameyn karaa dowlad goboleedyada isa saamaxaad iyo wadatashi, kaddibna looga gudbo dhibaatooyinka jira” ayay tiri Kerstin oo sheegay in ay muddo dheer ku soo dhex nooleed Soomaalida ku nool Sweden, gaar ahaan Stockhom.

 

“Waxaan jeclaan lahaa inta aanan dhiman in aan arko Soomaaliya oo nabad ah, dhaqaalaheeda uu sarreeyo, isla markaana aad u qurxoon. Soomaalida muddo dheer ay ku soo dhex noolaa, waqtiyo kala duwanna aan la qeybsaday. Xitaa hadda oo aan ka guuray Stockholm, isla markaana aan u guuray gobolka kale weli waan la joogaa Soomaalida, waxaana hadda u imid halkan (Stockholm), waxaa socda ciyaarihii Isboortiga ee xagaaga”ayay tiri Kerstin oo madaxweynaha Udublanad iyo dowlad goboleedkiisa u rajeysay nasiib wanaagsan.

 


Amoon C/llaahi oo ka socotay Radio Sweden, isla markaana ka mid ahayd marti sharaftii lagu casuumay in ay xafladda hadal ka jeediyo ayaa sheegtay in ay ugu horreyn soo dhaweyneyso Dowlad goboleedka Udubland iyo madaxweynihii Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow, waxayna hoosta ka xariiqday in ay u tahay markii ugu horreysay oo ay maqasho amaba ay goob-joog u ahaato dowlad goboleedyo ay madaxdooda isu ballanqaadayaan wada shaqeyn iyo midnimo.

 

“Dowlad goboleedkan Udubland waxaan u rajeynayaa in uu noqdo mid miro-dhala, waxaana leeyahay madaxweynihiisa noqo midkii udub dhexaadkii soo celinta dowladnimadii Soomaaliya”ayay tiri Aamoon C/llaahi oo ku hadashay magaca haweenkii xafladda ka soo xaadiray iyo kuwii aan fursadda u helin ee ay raggooda metalayeen.

 

Amoon C/llaahi waxaa ay sheegtay in dalka Sweden oo ay ku nool yihiin Soomaali lagu qiyaaso 40 kun oo ruux uu yahay dal aad u qurxoon oo cimilladiisana ay fiican yihiin, isla markaana seddex jeer ku guuleystay dalka ugu nadaafadda wanaagsan caalamka.

 


Siciid Maxamed Xeyd ayaa sidoo kale ka hadlay Xafladda, wuxuuna ammaanay madaxweynaha Udublanad Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow oo uu sheegay in uu yahay nin u heellan in uu wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira deegaannada Udubland, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay laga shaqeeyo oo la soo celiyo nabadgelyada uu gobolka caanka ku ahaa, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay maamul goboleedyada in ay wada shaqeeyaan, ayna baabi’iyaan nidaamka cadaalad darrada ku dhisan ee loo bixiyay 4.5.

 

Waxaa intaas kaddib cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Cilmi Cabdulle Xuseen oo si kooban uga hadlay taariikhda soo jireen ee Madaxweynaha Udubland Dr. Ibraahim, wuxuuna xusay in madaxweynaha Udubland oo degan dalka mareynkanka uu muddo dheer ahaa nin aan arrimaha Soomaaliya ka lug bixin, isla markaana tegay marar badan, waqtiyo kale oo badanna ku qaatay dalalka Soomaaliya la deriska ah sida Kenya iyo Jabuuti. Wuxuu kaloo sheegay in uu madaxweynaha ka soo shaqeeyay dalal badan oo Afrika ah, uuna yahay nin howl-kar ah oo xilka loo doortay ka soo dhalaali kara, kaddibna madaxweynaha ayuu cod baahiyaha ku soo dhaweeyay.

 


Madaxweynaha Udubland Dr
. Ibraahim C/llaahi Caddow oo hadalkiisa uu xafladda ugu dambeeyay ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuse xusay in uu dareemayo murugo iyo farxad wada jira, waa mare wuxuu tiiraanyo ka muujiyay dhibaatada abaareed ka jirta Soomaaliya guud, gaar ahaan dhulkii webiyada ay marayeen ee dalagyada kala duwan ay ka soo baxayeen in manta abaar loogu dhimanayo, dhinaca kalena wuxuu farxad aan la soo koobi karin ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ay yihiin rajada ay Soomaaliya leeyihiin, wuxuuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan ay yihiin kuwa ay Soomaaliya ka dhiman weysay muddada dheer ee dowlad la’aanta ah.

Wuxuu si weyn u ammaanay dowladda iyo Dadka Sweden oo uu sheegay in ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed markii ay ka burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna mahadcelin arrintaas ku saabsan uu Dowladda Sweden u marsiiyay Mrs. Kerstin, “Dowladda Sweden shuruud la’aan ayay soo dhaweysay Dadka Soomaaliyeed, waxaana la ogaaday in aysan dan gaar ah ka lahayn soo dhaweyntaas marka laga reebo in ay kaliya tahay bani’aadannimo, Dad nasiib leh ayaad tihiin haddii aad Sweden ku nooshihiin, waxaana qabnaa rajo ah in aad wax fiican la soo laaban doontaan marka aad dalkiina ku noqotaan mustaqbalka.

 

Wuxuu sheegay in Dowlad goboleedka Udubland uu yahay mid u furan qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah, lagana soo dhaweynayo, “maamul goboleedkan dhisitaankiisa baahi ayaa keentay ee iskama imaan, qofka naqdinayana waxaa laga yaabaa in uusan u arkin sida aan u arkeyno dhibaatada Soomaaliya ka taagan dhinac kasta gaartay, hayeeshee waxaan leenahay dowlad goboleedyada waxay sameynayaa wixii ay dowlad sameyn lahayd inta dowladdii dhexe ka soo noqoneyso”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Udubland.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]