5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2011
RA’IISAL WASAARIHII HORE FARMAAJO: ”Dad badan oo idinka mid ah waxay aaminsan yihiin in aan shucuurtooda kiciyay oo aan qiyaanay balse waxaan idiin sheegayaa sababtii aan isu casilay...”

Sabti, 02 July 2011(HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa shaaciyay sababtii uu isu casilay, isagoo dad aad u faro badan oo isugu yimid xuska munaasabadda 1-da Luulyo kula hadlay Magaalada London ee dalka Britain.

 

Ra’iisal wasaarihii hore Mr. Farmaajo oo ugu horreyn u mahadceliyay Maamulaha TV-ga Universal Inj. Axmed Abuu Bakar oo suurtageliyay in xafladdaas toos loo daawado ayaa wuxuu dhanka kale ka hadlay sababtii keentay in uu is-casilo, wuxuuna sheegay ra’iisal Wasaaruhu in sababtaas ay ahayd tanaasul xal-doon ah.

 

Dad badan oo idinka mid ah waxaa laga yaabaa in ay rumeysan yihiin in aan shucuurtiina kiciyay kadibna aan idin qiyaanay oo aan is-casilay, balse caawa waxaan idiin sheegayaa sababtii aan isu casilay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in xornimada iyo gobonimada Soomaaliya aaney bilaash ku imaan, isla markaana naf iyo maal loo soo huray.

 

”Dhibaatada Soomaaliya ka taagan hadda ma bilaaban, waxayna soo bilaabatay markii laga soo noqday dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray ee dhacay Sanadkii 1977-kii, waxaa hubanti ah haddii tanaasul la heli lahaa in aan la weerari lahayn gobollada waqooyi, sidoo kale haddii loolankii xukunka ee horraantii sagaashamaadka dhacay ee dagaallada ahliga ah keenay in laga baaqsan lahaa haddii tanaasul imaan lahaa, sidoo kalena uu tanaasulku xal ahaa markii ay xukunka isku qabsadeen Jen. Caydiid iyo Cali Mahdi”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xor  u ahayn in ay aayahooda ka tashadaan.

 

”Waxaan xilka Ra’iisal Wasaaraha qabtay iyadoo Xukuumaddii iga horeysay oo ka soo baxday Shirkii Jabuuti uu Ra’iisal Wasaaraheedii xafiiska uga tegayay  khilyaaf dhexmaray isaga iyo madaxweynaha, kaddibna Xukuumaddii aan soo dhisay ee tayo  ayaa markii dhowr bilood shaqeysay waxaa ka horyimid caqabado iyo khilaaf ka yimid madaxda sare ee Dowladda, illaa ugu dambeyntii ay noqotay in aan iscasilo”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

Farmaajo waxaa uu sheegay in markii ay isqabteen madaxda sare ee Dowladda ee dhexdhexaadinta laga dhex sameeyay isaga iyo madaxda sare ee Dowladda uu maxsuulkii noqday in la yiraahdo ra’iisal wasaaraha ha is-casilo, sidaasna uu isku casilay.

 

”Waxaa la socotaa kubadda marka la ciyaarayo ee uu kabtanka dhaawacmo waa la bedelaa, aniga oo kabtankii ahaana waan dhaawacmay, waana la i bedelay. Kabtankii i bedelay oo aan soo wada shaqeynay nasiib wanaag waa la ansixiyay, Xildhibaannada aad bey u mahadsan yihiin, balse weli howsha ma dhamaan oo howl baa harsan, taasi oo ah in Xukuumadda ay noqoto Xukuumaddii tayo oo ah wixii aan isku ogeyn aniga iyo madaxda dowladda”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaayo oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Soomaalida ku nool UK.

 

Xafladda lagu xusay munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay Magaalada London ayaa waxay ahayd tii ugu ballaarneyd ee dalka dibaddiisa lagu qabto tan iyo markii dibadaha loo soo qaxay, waxaana si weyn uga dhex muuqday Xafladda Wariyayaasha TV-ga Universal iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed iyo Bahda Isboortiga ee UK ku nool.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]