Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo maanta booqasho ku tagay jiidaha dagaalka ee Muqdisho (SAWIRRO)
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed |
Axad, 27 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan dowladda ayaa maanta booqasho ku tagay jiida hore ee kaga sugan yihiin Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jira xoogagga Xarrakatul Shabaab.
Madaxweynaha ayaa furimaha uu booqday waxaa halkaas warbixin kaga dhageystay saraakiisha ciidamada ee ku sugan safka hore ee dagaalka. saraakiishaas oo ay ka mid ahayeen abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Dhagabadan iyo Taliyaha guutada Hillaac Col. Cageey.
Waxaa kale uu Madexweynaha uu la shiray Taliyayaashaha Ciidamada Amisom Major Gen Mugisha, iyo General Juvenal Niyoyunguruza , waxayna u sheegeen iney aad iyo aad ugu faraxsanyihiin wada shaqeynta ka dhexeysa Amisom iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya taasna waxaa cadeyn u ah guulo badan oo la taaban karo oo laga gaaray dagaalada ka soconaya Koofurta Soomaaliya ee lagu sifeynayo Al-Shabaab ee ku sugan dalka Soomaliya.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay dhiirigalin uu usoo jeediyay ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed howlaha ay u hayaan dhulkooda hooyo. Hadalada Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa “Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed waajibkooda kowaad waa in ey dalka ka difaacaan cadawga beenta ka sheegaya diinta islaamka”.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu kala dardaarmay ciidamada XDS wuxuuna yiri “Yaanan la dhibaateyn caruurta yar yare ee lasoo marin habaabiyey marka eey isi soo dhibaan Ciidamda XDS iyo marka ay dhaawacmaan” . Ciidamada ayaa aad ugu riyaaqay booqashada Madaxweynahu uu ku soo booqday jiida hore ee dagaalka balanna waxay ku qaadeen iney dalka ka saarayaan cadawga ku soo duulay, waxayna kulligood si wadajir ah ku dhawaaqayeen , Allahu Akbar, Allahu Akbar iyo Soomaaliya Ha Noolaato Soomaaliya Ha Noolaato”.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
[email protected]
Mogadishu, Somalia