Finalka Tartanka gobolada Somaliland oo galabta ay wadda ciyaari doonaan gobolka Maroodi Jeex iyo gobolka Hawd
Axad, December 18, 2011 (HOL)- Waxa galabta
ciyaar aad u xiiso badani dhexmaraysaa labada xul ee gobolka Maroodi Jeex
(Hargeysa) iyo Xulka Gobolka Hawd oo iskugu soo hadhay finalka tartanka
gobolada Somaliland.
Labadan gobol ayaa hore isku soo arkay
kuna wadda jiray Kooxda A, waxana laba iyo eber ku badiyey xulka gobolka
Maroodi-jeex, haseyeeshee gobolka Hawd
ayaa Kooxda 1 kaga soo baxay ka dib markii uu soo guulaystay laba ciyaarood oo
uu sitay 6 dhibcood, halka Maroodi-jeex ay ciyaarna badiyeen, labana barbardhac
galeen waxaanay wateen 5 dhibcood.
Labadan gobol ayaa ay adag tahay sida
loo saadaalayaa, maadama oo gobolka Hawdna ka cadhaysan yahay ciyaartii hore ee
ay Maroodi jeex ka badisay, halka Gobolka Maroodi jeexna doonayo inuu mar kale
guuldaro bado oo uu koobka gobolada qaado.
Ciyaartan galabta dhacaysa oo
labduba marti ku yihiin garoonka kubadda Cagta ee Alamzy ee gobolka Togdheer
xaruntiisa magaaladda Burco, ayaa la dhowri doonaa taageerayaasha reer Burco
cida ay taageeri doonaan, iyagoo inta badan labaddan gobol ka soo horjeedeen
ciyaarahoodii hore, maadaama oo gobolka Hawd uu tartanka ka reebay xulka
gobolka Togdheer u ciyaarayey, isla markaana gobolka Maroodi jeex uu barbar
dhac ka dhigay ciyaartii gobolka Togdheer la ciyaarayey ee Tartanka lagu furay,
taasina ay noqotay in ay gobolka Togdheer noqdo gobolkii ugu horeeyey ee
Tartanka ka hadha.
Labadan gobol waxay ka soo
badiyeen oo ay afarta kooxood ama semifinalka wadda ciyaaray gobolka Maroodi
Jeex iyo Sool, gobolka Hawd iyo Awdal, waxaana halkaasi guushu ku raacday oo finalka
iskugu soo hadhay labdan gobol ee galabta ciyaaraya Maroodi Jeex iyo Hawd.
Dhinaca kale waxa iyana shalay
soo dhamaaday tartankii kubadda Kolayga oo ay iskugu soo hadheen gobolka
Maroodi Jeex iyo gobolka Hawd, waxaana Gobolka
Maroodi jeex ku badiyey 61 dhibcood, halka gobolka Hawdna keenay 45 dhibcood,
sidaasna uu guushu ku raacday gobolka Maroodi Jeex.
Tartanka Orodkana waxa guul weyn
soo hooyey gobolka Maroodi jeex ka dib markii toddobadii qof ee ugu horeeyey
noqdeen gobolkan Maroodi jeex oo halkaasi guushu ku raacday tartankii Orodka.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.