MADAXWEYNE SHARIIF: "Go'aankii xil-ka-qaadista Guddoomiya Baarlamaanka ma ahayn dhacdo cusub laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi ah"
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Arbaco, December 14, 2011(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray wuxuu ku sheegay in uu maalmahan ku mashquulsanaa kulamo xal loogu raadinayo khilaafka mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo sida uu yiri meel fiican gaaray.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka welwelsan yahay deg degta iyo kediska uu ku dhacay go’aan ay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya soo saareen, kaasi oo ahaa in ay xil-ka-qaadis ku sameeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan.
“Ma ahayn dhacdo cusub laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi ah, waana dhacdo aan la fileynin oo dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka-baarandeg ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas.”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Madaxweynaha oo sii hadlayayna waxaa uu intaas ku daray in dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay duruuf adag, isla markaana aanan loo baahnayn in ay xiligan khilaafaadyo dhacaan. “Dalku wuxuu ku sugan yahay duruufo gaar ah sida la-dagaallanka Al-Shabaab, fulinta qorshe howleedka (Roadmap) iyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee dadka dhibaateysan”ayuu yiri Madaxweynaha oo intaas ku daray. “Waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka iyo u kuurgalidda xaaladdan si waafaqsan sharciga, waxaana mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqeynaa iney joojiyaan sii wadidda khiliaafaadka, gartaanna masuuliyadda ka saaran habsami u socodka howlahaBaarlamaanka iyo ilaalinta sharciga”.
Sidoo kalena, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu ku adkeeyay mudanayaasha Baarlamaanka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida Baarlamaanka wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay ku dhisan tahay sharci, sidaa daraadeedna tallaabo kasta oo la qaadayo loo baahan yahay in ay waafaqsan tahay Axdiga KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka u degsan. “Waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa in khilaafaadka la iska ilaaliyo, xooggana la saaro fulinta Qorshe Howleedka (Roadmap) iyo howlaha culus oo na hor yaalla” ayuu yiri Madaxweyne Sharif.
Hadal saxaafadeedka uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay isu gacan-qaadeen sabab la xiriirta xildhibaannada oo ku kala qeybsamay in xil-ka-qaadis lagu sameeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo in Guddoomiyaha uu xilka sii hayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in xildhibaanno shalay Muqdisho ku shiray ay sheegeen in ay xilkii guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaadeen Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]