Gabdhaha Xulka Qaranka Kubadda Koloyga Soomaaliya oo ku dur-duriyay gabdhaha dalka Qadar (Daawo Sawirrada)

Isniin, December 12, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Xulka qaranka gabdhaha Kubadda Koloyega Soomaaliya ayaa galabta guuldarro ballaaran dhabarka u saaray gabadhaha dalka Qadar, kaddib markii ay uga adkaadeen 67 dhibcood, halka gabadhaha Qadar oo ay la yimaadeen 57 dhibcood, waxaana ciyaaraha ay tirsan yihiin Olombikada dalalka Carabta.
Guusha ballaaran oo gabdhaheenu soo hooyeen ayaa waxaa qeyb weyn k a qaadatay gabadha kubadda u qeybisa gabdhaha SOomaaliyeed ee Maryan Xuseen oo 23 dhibcood shabaqa ku hubsatay, waxaana loo aqoonsaday gabadhii ugu wanaagsaneyd ciyaartii manta. Sidoo kale gabdhaha Manal Ali UK oo dhalisay 16 dhibcood, Qamar Cali DHeere oo dhalisay 12, KHadra Mahdi oo soo hoysay 10-dhibcood iyo KHadija Xayir oo 6 dhibcood dhalisay ayaa si wanaagsan garoonka uga dhex muuqaday.
Ciyaarahan oo ka tirsan All Arab Games oo todobaadkii hore ka furmay magaaladda DOxa ee dalka Qadar ayaa gabadhaheena waxaa toodbaadkii hore guuldarro ay kala kulmeen gabdhahah dalka Masar oo 84-36 uga soo adkaaday, laakiin waxay galabta ku ciil baxeen gabdhaha martida looyahay ee Qadar.
Ciyaarta Xigta waxay gabdhaheenu la ciyaari doonaan dalka Lubnaan maalinta Khamiista ah, waxaana hari doona laba kulan oo ay kaga hortagi doonaan gabdhaha Kuwait iyo Jordan. Taageeyaasha gabdhaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u rajeynayaan guul taariikhi ah.

Gabdhaha Soomaaliya ayaa galabya ka gacan sareeyay dhigooda Qadar, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay Somalia 29, Qadar 25.
“Alla maxay maalintani wanaagsan tahay, manta dad badan oo Soomaaliyeed ayaa soo xasuusan doona bari samaadkii, gabdhaha xulka Soomaaliya waxay ka farxiyeen Ummaada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxay u ciyaareen si wadaninimo iyo qiiro leh” ayuu darbiga facebookgiisa ku soo qoray guddoomiye ku xigenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Durraan Faarax oo garoonka fadhiyay.
Taageerayaasha Xulka Soomaaliya ayaa galabta aad u soo buux dhaafiyay garoonka Khalifa International Stadium oo ciyaartu galabta ka dhacday, iyagoo farxad iyo baashaal la hoyaaday, waana taageerayaashii ugu farxadda badnaa tan iyo sanadkii 2009 oo xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya uu 1-0 uga adkaaday xulka Tanzania, ciyaar ka tirsaneyd bariga iyo bartamaha Africa oo ka dhacday dalka Uganda.









Faarax Blue, Hiiraan Online
fblue@hiiraan.com
Nairobi , Kenya