Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2011
Franklin Bank oo Joojiyey xiriirkii kala dhexeeyay Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota

Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Franklin Bank oo Xawaaladaha Soomaalida ay ku lahaayeen akoonnada ayaa ku wargeliyay xawaaladaha Soomaalida inuu joojiyay xiriirkii kala dhexeeyay uuna xirayo akoonnada ay ku leeyihiin, iyadoo bankigan uu yahay midka keliya ee ay xawaaladaha Soomaalidu isticmaali jireen.

Mas'uuliyiinta Bankigan oo xaruntiisu ay tahay gobolka Minnesota oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka ayaa madaxda xawaaladaha ula kulmay mid-mid iyagoo siiyay warqado ay ku qoran yihiin in 15-ka December la xirayo akoonnada ay ku leeyihiin bankiga.

Bankigan oo ahaa midka keliya ee ay xawaaladaha Soomaalidu xiriirka la laahayeen labadii sano ee lasoo dhaafay ayay sheegeen madaxda xawaaladuhu inay xubnaha ugu sarreeya bankiga ka codsadeen in loo kordhiyo xilliga la xirayo akoonnada, iyadoo madaxbada bankiyada ay codsigaas ka meermeereen, ayna u sheegeen madaxda xawaaladaha inay dib u eegis ku sameyn doonaan codsiga.

Saraakiisha Bankiga ayaa sheegay in sababta ay u xirayaan bankiga ay tahay xukun ay maxamadi ku ridday laba haween Soomaaliyeed ah oo lagu eedeeyay inay lacago u direen Al-shabaab, iyagoo intaas ku daray in la taliyeyaashooda dhinaca sharciga ay kula taliyeen inay xiraan akoonnada ay xawaaladaha Soomaalidu ku leeyihiin bankiga.

Arrintan ayaa waxay walaac xooggan gelisay mas'uuliyiinta xawaaladaha dalka Mareykanka, iyagoo billaabay inay Soomaalida ku nool dalka Mareykanak ay ka la kulmaan senetarada laga doorto gobollada ay ku nool yihiin si cadaadis loogu saaro in bankiga uu ka laabto go'aanka uu ku xirayo akoonnada xawaaladaha Soomaalida.

Aqoonyahannada ku xeel dheer xawaaladaha iyo bankiga ayaa waxay sheegayaan in tani ay caqabad ku noqonayso lacagihii Soomaalida ay u diri jireen Soomaaliyeed taasoo ay dad badan ku tiirsan yihiin noloshooda.

Waxaana jira cabsi soo baxaysa oo ku aaddan inay dhacaan musiibooyin ka daran kuwii ka dhacay Soomaaliya horraantii sannadkan, haddii la joojiyo lacagaha ay Soomaalida Mareykanka ku nooli u diraan ehelladooda ku nool gudaha Soomaaliya.

Xawaaladaha Soomaalid ayaa waxay akoonnada bankiga Franlkin u isticmaali jireen inay lacagaha ay u dirayaan Soomaalida sii marsiiyaan, waxaana lacagta inta badan ay ku dhici jirtay xafiisyada ay ku leeyihiin Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay uga sii gudbi jirtay Soomaaliya iyo dalalka kale ee bariga Afrika.

Warbixin laga soo xigtay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in sannad walba ay dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool u diraan eheladooda Soomaaliya ku sugan lacag ka badan hal bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Bankiyada Mareykanka sida US Bank, TCS Bank iyo kuwo kale ayaa horay u joojiyay xiriirkii ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaalida, iyadoo bankigan uu noqonayo kii ugu dambeeyay oo joojiya xiriirka xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

12/1/2011 12:18 PM EST
Khamiis, December 1, 2011 (HOL)-Ciyaar adag ayaa galabta ku dhexmartay gobolka Togdheer iyo gobolka Maroodi jeex, waxaanay ciyaartaasi ku dhamaatay barbar dhac 1-1 oo ay kala yeesheen labadda gobol.

12/1/2011 10:49 AM EST
Khamiis, December 01, 2011(HOL): Urururka maxaliga ah ee ka shaqeeya arimaha bulshadda SOSCO ayaa maanta shir ballaaran oo ay kasoo qayb galleen haweenka ku dhaqan magaalada garoowe iyo dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan isla gudaha magaalada ku qabtay holka shirarka xarunta gobalka ,Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii dhanka haweenka looga cirib tiri lahaa gudniinka fircooniga ah oo dowladda Puntland go'aan rasmi ah kasoo saartay.

12/1/2011 7:35 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Xildhibaanno maanta ku shiray Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay kalsoonida kala laabteen guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu sharciga ku xadgudbay.

12/1/2011 7:22 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Toddoba qof ayaa ku dhaawacmay shil maanta ka dhacay meel u dhow degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley kaddib markii ay ka hor tageen soo dhoweynta wefti uu hogaaminayey guddoomiyaha muxaafadka ah ee xisbiga KULMIYE.

12/1/2011 7:20 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Inta la xaqiijinayo ilaa afar ruux oo u badan dhinacyadii dirirtu dhaxmartay ayaa ku geeriyootay ilaa ku dhawaad lix kalana way ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

12/1/2011 7:02 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Madaxa hay'adda UN-OCHA, Mark Bowden ayaa ka dalbaday Xarakada Al-shabaab inay ka laabato go'aankii ay xayiraadda ku saartay 16 hay'adood oo kuwa gargaarka, kuwaasoo ka shaqeynayay gobollada ay ka taliso ee Koonfurta.

12/1/2011 7:02 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la guddoonsiiyay ruqsadaha lagu kexeeya baabuurta ama leysan, kaddib markii uu ka qaygbalay munaasabad lagu hirgelinayay mashruuc lagu soo celinayo sharciyada waddooyinka Muqdisho.

12/1/2011 6:26 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay ku qabteen gobolka Shabeellada hoose raashin dhacay oo ay sheegeen inay keentay hay'adda ICRC oo ka mid ah ha'yadaha weli ka howglala gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya ee ay ka taliyaan.

12/1/2011 5:55 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Kulan ballaaran ay isugu yimaadeen Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay si xoogan ku cambaareeyeen tallaabadii Al-Shabaab ku mamnuuceen qaar ka tirsan Hay'adaha Samafalka ee ka howlgalayay Gobolada dalka.

12/1/2011 3:35 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Dalka Britian ayaa shalay waxaa ka billowday dibadbaxyo waaweyn oo ay shaqaaluhu kaga cabanayaan xilliga shaqada oo sare loo qaadayo iyo lacagta la siiyo dadka howlgabka ah oo la dhimayo, iyadoo ay ku biireen dibadbaxyadan macallimiinta iskuullada iyo ardayda.

12/1/2011 3:08 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay laba jibbaayaraan weerarrada qaraxyada ah ee ay ka geysanayso magaalada Muqdisho, iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan xarumaha dowladda iyo kuwa ciidamada AMISOM.

12/1/2011 2:51 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Maxkamad ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa xabsiyo kala duwan ku xukuntay shan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu eedeeyay burcadbadeednimo, kuwaasoo ciidamada badda Faransiisku ay ku qabteen biyaha Soomaaliya sannadkii 2008.

12/1/2011 2:29 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo ku sugan dalka Qatar ayaa cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay shalay Muqdisho ee lagu dilay askarta iyo haweenka ka shaqeynayay nadaafadda, isagoo sheegay in qaraxyadaas ay ka tarjumayaan waxa Al-shabaab ay tahay.

12/1/2011 2:00 AM EST
Khamiis, December 01, 2011 (HOL) − Waxaa maanta si rasmiya uga bilaabmaya magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland.