3/13/2025
Today from Hiiraan Online: Somali MPs to summon deputy minister over Al-Shabaab allegat...
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2011
Gaadiidka Muqdisho oo billaabay isticmaalka waddooyinkii ku xirmay dagaallada ee tagi jiray Suuqa Bakaaraha

Talaado, Ogoosto 23, 2011 (HOL) – Gaadiidka dadweynaha ee Muqdisho ayaa maanta markii ugu horreysay muddo hal sano ah billaabay inay isticmaalaan waddooyinkii geli jiray suuqa bakaaraha ee ku xirmay dagaallada.

Jidadka ay gaadiidku isticmaalayeen ayaa waxaa ka mid ah isgoyska isku xira sayidka iyo howlwadaag, isgoyska isku xira dabka iyo bakaaraha iyo jidka wadnaha oo halbowle u ah ganacsiga suuqaa Bakaaraha.

Dadweyne fara badan ayaa gaadiidkaas raaciyay, kuwaasoo qaarkood sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dib u furmaan waddooyinkii fududaa ee laga geli jiray suuqa Bakaaraha kuwaasoo xirmay bishii hore ee Ramadaan kaddib dagaallo culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo dowladda KMG ah oo kaashanaysa AMISOM.

"Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan waddo sahlan ka galo bakaaraha," sidaa waxaa tiri haweeney ganacsato ah oo u socotay bakaaraha, iyadoo intaas ku dartay: "Tani waa fursad mar kale u soo laabatay shacabka Soomaaliyeed, waayo meelo fog-fog ayaan u soo mari jirnay suuqa."

Darawal waday baabuur u socday suuqa Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay isagoo ku sugan isgoyska Sayidka inuu ku faraxsan yahay inay jidadku furmaan, wuxuuna sheegay inay qiimo aad u jaban ku qaadayaan gaadiidka.

"Wadooyinka waa kuwo caadi ah," ayuu yiri darawalka saxaafadda la hadlay, isagoo hadalkiisa raaciyay. "Dadweyne badan ayaan saakay geynay bakaaraha - xitaa waxaan tagaynaa gudaha suuqa."

Maamulka gobolka Banaadir ayaa laba maalmood ka hor sheegay inay dib u fureen jidadkii ku xirmay dagaallada ee gala suuqa Bakaaraha, waxayna sheegeen inay sidoo kale furi doonaan waddooyinka kale ee suuqaas gala iyo kuwa ka baxa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya