Xarakada Al-shabaab oo soo bandhigtay Askari ay ku qabteen dagaal, gaarina ka gubay AMISOM (SAWIRRO)
Arbaco, Ogoosto 17, 2011 (HOL) – Xarakada Al-shabaab ayaa kusoo bandhigay Muqdisho askari ka mid ah kuwa DKMG ah oo ay ku qabatay dagaal shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan waqooyiga Muqdisho.
Askariga oo lagu soo bandhigay warshaddii baastada ee degmada Huriwaa ayaa waxaa lagu magacaabaa Calas Ibraahim waana 32-jir, waxayna Al-shabaab sheegtay inay qabteen isagoo dhaawac fudud qaba uuna ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Gacma-duulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Xarrakada Al-shabaab.
Looma ogolaan askarigan inuu la hadlo warbaahinta, waxaana qabashadiisu ay timid iyadoo ciidamada DKMG ah ay shalay oo Talaado ahayd isku ballaariyeen dhul aysan horay u gaarin oo ka tirsan degmooyinka Kaaraan, Huriwaa iyo Shibbis.
Afhayeennada Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Sheekh C/casiis Abuu-muscab ayaa u sheegay warbaahinta in dagaallada ka socda Muqdisho ay guulo ka gaareen, waxayna xuseen in dagaalladu ay socon doonaan.
Sidoo kale, afhayeennada Al-shabaab ayaa sheegay inay ku gubeen dagaal shalay ka dhacay waqooyiga Muqdisho mid ka mid ah taangiyada AMISOM, balse afhayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay in waxa laga gubay uu yahay gawaarida dagaal ee ay caanka ku yihiin ciidamadooda.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayso dagaalada ay kula jirto DKMG ah iyo AMISOM tan iyo inta ay dib uga qabsanayso Muqdisho oo dhan, waxayna ku tilmaameen dagaalkooda mid xeeladeysan oo ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada kasoo horjeeda.
Dowladda KMG ah ayaan weli ka hadlin askariga laga qabtay ee lagu soo bandhigay qaybo ka tirsan Muqdisho, iyadoo tan iyo markii ay Al-shabaab ku dhawaaqday inay xeeladii dagaal badashay ay dhaceen dagaallo kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya