Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) –Dagaal khasaare baahsan gaystay ayaa galabta ka qarxay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ,kaasi oo u dhaxeeya labo ka mid ah beelo halkaasi wada dega oo Puntland ka soo jeeda.
Waxaa uu bilowday dagaalkan kaddib markii maanta mid kamid ah xaafadaha Gaalkacyo lagu toogtay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guray,kaasi oo si wayn looga yaqaanay gobolka Mudug.
Khasaaraha dagaalka Gaalkacyo ayaa aad u sii kordhay saacidihii la soo dhaafay ,waxaana la sheegay in tirada dhimashada ay tahay labo ruux halka dhaawac uu ka badan yahay lix ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee Gaalkacyo.
Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay kala dhexgaleen labada dhinac ee dagaalka uu dhexmaray, waxaana la sheegay in ciidamada ay taageereen garab kamid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Maamulka cusub ee gobolka Mudug ayaa bandow ku soo rogay degmada,waxaana bandowgaasi uu ka bilaabanayaa maanta wixii ka danbeeya laga bilaabo shanta Galabnimo ilaa iyo shanta Aroornimo ee salaada subax kadib.
Waxaa bandowgaasi saxaafadda ka sheegay guduumiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamuud C/raxmaan Cuuke ,kaasi oo dhawaan la soo magacaabay.
Mar aan la xiriirnay maamulka gobolkaasi ayaysan inoo suurtagalin,iyadoo ciidamada amniga ee Puntland caawa lagu arkayay qaar kamid ah xaafadaha degmada ,iyaga oo qabanaya cidiid ay ka shakiyaan.
Qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ee magaalada ayaa qadarkii dagaalka uu socday hawada ka maqnaa ,iyadoo suurtagal tahay in khasaaraha dagaalka ee labada dhinac ay sii kororoto.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa caadi ku soo laabtay salaaddi cisho ka dib ,waxaana la dareemayaa daganaansho aan cago badan ku taagneen,iyadoo Shacabka degmadaasina ay qabaan cabsi la xiriirta in dagaalka uu mar kale dib uga qarxo halkaasi ,kaasi oo salka ku hayo arimo qabiil.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
Boosaaso, Soomaaliya