5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo eedeyntii ugu kululayd abid maanta u jeediyay beesha caalamka

Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay 51-guuradii ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inaysan raalli ka ahayn nabad ka dhalata Soomaaliya.

"Meel walba oo la isugu tago waxaa la yiraahdaa xildhibaanno hala doorto, iyaguna hoggaan ha doorteen kaddibna guryihiinna ku laabta, hay'adihii dowladda ee shaqeynayayna lama dhisin, intaas waxaa kasii daran talooyin tiro badan oo jaha-wareerka leh ee beesha calaamku ay u jeedinayso dadka la doorto," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay loo baahan yahay in talada dalka loo daayo dadka doortay oo lagu kalsoonaado rayigooda, si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan.

"Qof walba oo ajnabi ah oo loosoo magacaabo dalka wuxuu leeyahay anigaa aqaan Soomaaliya... waxaa isweydiin leh muxuu ka yaqaannaa Soomaaliya, afkeeda kuma hadlo, ma wuxuu ku yaqaannaa xoogaa dublamaasiyiin ah oo uga sheekeeyay... maya...maya....maya," ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in isagu uu isku haystay markii uu xilka qabanayay inuu yahay ninka ugu ogaashaha badan xalaadda dalka Soomaaliya, balse hadda uu maalin walba wax ka ogaado xaaladda dalka Soomaaliya.

"Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in beesha caalamku ay mar walba yiraahdaan waxaan ixtiraamaynaa rayigooda iyo dowladnimadooda waxaana doonaynaa inay guuleystaan, balse damacoodu intaas waa ka duwan yahay," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaalidu ay jilicsan tahay oo dhibaatada oo dhan ay iyadu isku horseedayso, isagoo xusay in arrintaas looga gudbi karo iyadoo lagu yiraahdo beesha calaamka sidaan ayaan wax u doonaynaa haddii ay diidaanna raalli naga ahaada la yiraahdo.

"Beesha calaamka waxay u baahan tahay fasiraad, waayo maalin walba waxaan maqlnaa bulshada caalamka ayaa sidaas doonaysa, haddaba dalalka danaha ka leh Soomaaliya waaye kuwa wareerka nagu haya ee ma ahan dadka kale ee doonaya inaan guuleysanno kuwaasoo aan lahayn awood ay nagu garab-istaagaan," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababta Soomaaliya looga celin waayay dariiqii burburka markii ay dhibaatooyinkii bilaabanayeen 1991-kii ay tahay danta laga leeyahay, dadka qaarkood ayaa aamisan in Soomaaliya ay muslim tahay oo sidaas dhibaatada loogu fiirsanayo, balse waa la soo ogaaday caalamka oo dhan ma jiro dal la jecel yahay, haddii Mareykanka ay dhibaato ku dhacdo waa lagu sii istaagaa balse ma jiro qof u kaalmeeynaya.

"Dalalka Burundi, Uganda iyo Ruwanda oo aan safar kusoo maray dagaallo sokeeye ayaa ka dhacay maantana waa nabad horumar ayayna sameynayaa, waxayna taasi ku timid iyagoo isku tashaday oo beesha calaamka ku yiri naga raalli ahaada," ayuu Sheekh Shariif hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay ciidamada DKMG ah ee u dabaaldagayay sannadguuradoodii 51-aad ayaa ugu baaqay ciidanka inay ilaaliyaan sharciga taasoo uu ku sheegay inay kusoo laaban karto sharaftii Soomaaliya iyo midda ciidanka xoogga dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya