4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL)Kadib Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada  Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka oo ka dhacay xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo eek u taal nawaaxiga saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu magacaabay xubno cusub oo uu yeesho maamulka xarakada alshabaab ee gobollada Jubooyinka.
 
Xubnaha cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxa ay kala ahaayeen:-
Waxaa Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka loo magacaabay Abuukar Cali Aadan
K/xigeenka Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka Sheekh Xuseen Cabdi Geedi oo isagu hore u hayn jiray  jagadaasi.

Xafiiska Garsoorka Gobollada Jubooyinka Sheekh C/raxmaan
Madaxa Dacwada iyo Tacliinta ee Gobollada Jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali
 
Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa waxa loo magacaabay Max'ed Cumar C/dalla (Ugaas)
Madaxa Dacwada Degmada Kismaayo Sheekh C/raxiin Cali Muudeey
Madaxa Ciidamada Amaanka Degmada Kismaayo Sheek C/raxmaan Cali Axmed (Fiillow)
Madaxa Garsoorka Degmada Kismaayo C/fitaax Caydiid
 
Xubnahan cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay isugu jiraan xubno hore uga tirsanaa maamulkii hore ee la badalay iyo kuwo cusub oo hada ku soo biiray maamulka cusub ee maanta lagu dhawaaqay, waxaana kamid ah xubnaha la magaacabay xubno katirsanaa maamulkii hore sida Afhayeenka Maamulkii hore Sheekh Xasan Yacquub Cali oo imika loo magacaabay Madaxa dacwada iyo Tacliinta ee Maamulka cusub, sidoo kale waxaa jagadiisii hore loo magacaabay K/xigeenka Maamulka gobollada jubooyinka ee xarakada alshabaab Sheekh Xuseen Cabdi Geedi.
 
Sidoo kale waxaa maanta aan gabi ahaanba la magacaabin Xubno ay kamid yihiin Xafiiska warfaafinta Maamulka, iyo weliba xubno kale kuwaa oo la filayo ay soo magacaabi doonaan Xubnaha maanta la magacaabay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya