4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
AXMED-SIILAANYO: “Lammaanaha Ingiriiska ah ee lagu haysto Mandaqadda aynu ku nool nahay waxa ka soo gaadhaya ceeb”

Khamiis, 04 March, 2010 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay lammaane Ingiriiska u dhashay oo Koox Dabley ahi ku haystaan Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo wuxuu sheegay in lammaanaha u afduuban Kooxda Dableyda Soomaalida ahi aanay waxba galabsan, isla markaana in la sii haystaa ay ceeb ku tahay guud ahaanba Soomaalida iyo inta Afka Soomaaliga ku hadasha. “Baaq ayaan u dirayaa, waxaa weeye hadii aad in uu bani’aadamnimo ku abtirsataan waa in aad dadkaa iska sii daysaan. Dadkaa masaakiinta ah ee da’da ah ee wax alla wax ay galabsadeen aanay jirin, mandaqada aynu ku nool-nahay inteena kale iyo kuwa haysta-ba waxaa inaga soo gaadhayaa waa ceeb, waa taariikh-xumo iyo magac-xumo aan waligeed hadhayn.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahintu.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu baaq u jeediyay Kooxaha gacanta ku haya lammaanaha Ingiriiska ah, waxaanu ugu baaqay in ay iska sii daayaan intaanay Gacmahooda wax ku noqonin. “Markaa waxaanu codsi u jeedinaynaa dadkaa haysta lamaanaha ee masaakiinta ah ee aanay jirin wax ay galabsadeen, ha iska sii daayaan inta aanay farahooda wax ku noqon, iyaga oo nabad-qaba, damacaa iyo hungurigaasi waa kii Ilaahay inaga xaaraantimeeyey. Markaa waxaanu ugu baaqaynaa hadii aanu reer Somaliland nahay in la iska sii daayo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Maaha markii u horraysay ee masuul Somaliland xil ka hayaa uu ka hadlo arrintan, hase ahaatee, waxa hore arrintan uga hadlay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo ku baaqay in la sii daayo lammaanaha Ingiriiska ah ee lagu haysto Koonfurta Soomaaliya.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland