4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somalia oo sheegay in xukuumaddiisa ay dalalka Carabta ka doonayso gargaar

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir guddoominayay shirkii wasiirrada Carabta ee lagu soo gabgabeeyay dalka Masar ayaa sheegay in DFKMG ah ay dalalka Carabta kaga baahan tahay gargaar deg-deg ah.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in xukuumadda uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay doonayso inay dalka kusoo celiso ammaan iyo kala dambeyn, ayna gargaar ka doonayso dalalka Carabta.

"Xaaladda dalka Soomaaliya waa ka wanaagsan tahay marka sidii hore marka la barbar dhigo sannadkii hore, markaasoo xilka Madaxweynenimo uu la wareegay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed" ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddu ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay dalka ugu soo celin lahayd mid ammaan ah, ayna kooxaha kasoo horjeeda ugu yeertay inay soo fariistaan miiska wadahadallada si loo dhameeyo khilaafaadyada.

"Kaalmo walba oo aan ka helno dalalka Carabta ay dhiirrigelinaysaa howlaha ay DFKMG ah kawaddo dalka gudihiisa iyo in la gaaro xal waara" ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka oo ka badan 1.5-Milyan Dollar looga baahan yahay dalalka Carabta inay gargaar la gaaraan.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka Soomaaliya uu noqday dalka hoggaaminaya ururka Jaamacadda Carabta lixda bilood ee soo socota, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya xilkaan qabato 20-sano ku dhawaad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya