4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Mas'uul ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu u adeego shisheeye ururkoodana uusan ka tirsanayn

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo Sheekh Farxaan Cabdi Ciil-Mooge oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) uusan ka tirsanayn ururkooda.

Mas'uulkan wuxuu ku eedeeyay Sheekh Axmed Madoobe inuu fulinayo danaha dalal cadow uu ku sheegay, uuna wado qorshayaal uu isaga horkeenayo Mujaahidiinta Soomaaliya.

"Dagaalkii ka dhacay Dhoobley wax lug ah kuma lahayn ururkeena, mana jiro wax dagaal ah oo nagala dhexeeya walaalaheenna Al-shabaab, waxaan ku baaqaynaa in la mideeyo mujaahidiinta" ayuu yiri Sheekh Farxaan Ciil-Mooge.

Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Ururka Xisbul Islaam ayaa dhawaan ka sheegay Muqdisho in Sheekh Axmed Madoobe uu ka tirsan yahay ururkooda, lana joojiyo dagaalada lagula jiro.

Sheekh Farxaan oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalada uu ku jiro Sheekh Axmed Madoobe aysan wax lug ah ku lahayn, oo aysan wixii hadda ka dambeeya u aqoonsanayn mas'uul ka tirsan ururkooda.

"Qorshihii lagu bilaabay dagaalladii ka dhacay Jubbooyinka waxay ahaayeen kuwo ay kasoo shaqeeyeen Dowladda Sheekh Shariif iyo Dalalka dariska ah, waxaana ogaanay in lagu doonayay in lagu kala jabiyo mujaahidiinta si dalka oo dhan looga saaro" ayuu yiri guddoomiyaha Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay shirarka Jaraa'id ee uu qabto Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macallin Cali isagoo ku sheegay inay yihiin kuwo marin habowsan.

"Afhayeenka u hadla ururka wuxuu inta badan sheegaa warar aanu xaqiiqo ahaan la socon, waxaana filayaa in la sixi doono" ayuu yiri Sheekh Ciil-Mooge, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo saraakiisha Xisbul Islaam ay hadallo sidan oo kale isku marsiiyaan warbaahinta.

Sheekh Axmed Madoobe ayaan ka jawaabin eedeynta loosoo jeediyay, wuxuuse horay u sheegay inuu ka mid yahay Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam uuna sii wadayo dagaallada uu kula jiro Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya