4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daynayo Lamaanayaasha u dhashay Britain

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay socdaan wadahadallo lagu doonayo in lagu sii daayo labada qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu hayso Soomaaliya.

"Waxaan socda wadahadallo sababi kara in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daayo labadan qof" ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku daray: "Waxaa laga yaabaa in lagu sii daayo 10-maalmood gudahood".

Afduubayaasha haysta labadan qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxay dalbadeen lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 1.3-Milyan Dollar, iyagoo sheegay inay dili doonaan haddii an lasiin lacagtaas.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka wuxuu sheegay inay ergo u direen kooxaha haystay Chandlers ayna dhawaan sii daynayana, isagoo sheegay in wadahadalladu ay ku dhow yihiin gabogabo.

"Waxaan Magaalada Xarardheere u dirnay ergo la xaajoota kooxaha haystay labada qof, waxaana ku kalsoonahay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii dayn doono" ayuu yiri Prof. Dalxa oo xusay inay todobaadyadii lasoo dhaafay socdeen wahadallada lagu sii daynayo labadan qof.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inuu aad ugu rajoweyn yahay in labadan ruux ay dib ugu laaban doonaan todobaadyada soo socda dalkooda ayna la midoobi doonaan eheladooda iyo caruurtooda.

Paul Chandler oo 60-jir ah iyo xaaskiisa Richel Chanlder oo 56-jir ayaa afduub ahaan loo qabsaday bishii Oktoobar ee sannadkii hore, xili ay dalxiis ku marayeen inta u dhexeysa dalalka Seychelles to Tanzania.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya