4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Soomaaliya oo 20-sano kadib shir gudoomineysa kulanka Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta.

Khamiis, Mar, 04, 2010 (HOL) Mudo ku dhaw 20-sano kadib ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Wasiir Soomaaliyeed shir gudoomiye ka noqday kulan ay leeyihiin Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta kaa oo dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
 
Munaasabad xil wareejin ah oo la qabtay ka hor inta uusan si rasmi ah shirku u furmin ayaa waxaa xilkii laga wareejiyay Wasiirrka arrimaha dibada dalka Siiriya Ninka lagu magacaabo Waliid Al-mucalim, oo xilka Shir gudoomiyaha kulanka Wasiirro arrimo dibadeedka Wadamada Carabta ku wareejiyay Wasiirrka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
 
C/raxmaan C/shakuur oo furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatada ka taagan wadamada Carabta, gaar ahaan Dalalka Falastiin, Ciraaq, Yaman Suudaan, iyo dalka Soomaaliya oo sida uu sheegay loo baahan yahay in  wax laga qabto dhibaatooyinka ka taagan.
 
Shirka oo ahaa kii 133-aad oo ay yeeshaan Wasirro arrimo dibadeedka wadamada Carabta islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen 19-dal ayaa waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay shir gudoomiyaha ka socda dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ay la dageen dagaallada sokeeye waxaana xusid mudan in Wasiirrku uu sii heyn doono xilka lagu wareejiyay muddo ku dhan 6-bilood.
 
Dowladda uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayeey talaabadni u noqoneysa guul laga gaaray dhinaca Siyaasada arrimaha dibada, maadaama Dowladdihii ka horeeyay aysan fursad u helin in ay hogaamiyaan shirarka Caalamiga ah marka laga reebo kaliya in ay goob joog ka ahaan jireen.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]