4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL): Duqii Degmada Caluula Xareed Ciise Cumar ayaa Maanta istaqaaladii uu isku casili lahaa waxa uu u gudbiyay Golaha deegaanka degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Bari.
 
Waxaa La sheegay In Salaad Xareed laga Aqbalay istiqaaladiisa ,iyadoo arintaa loo aanaynayo xanuun aad u daran oo soo food saaray.
 
Odayaasha Degmadaasi oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono doorasho cusub ,taasi oo lagu soo dooranayo Cid la wareegta Maamulka.
 
Salaad Xareed Maadaama uusan xilkan sii wadi karin waxey dantu keentay in aan doorasho qabano"ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Caluula.
 
Is Casilaada Salaad Xareed duqii degmada Caluula ayaa ku soo beegantay Labo Maalin ka dib Markii degmada Caluula lagu soo gaba gabeeyay Caleema saarkii Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin.
 
Ugu danbaynta Golaha deegaanka Degmada Caluula ayaa laga sugayaa in ay Cod fartaag ah ku soo doortaan Godoomiye Cusub,si looga baxo Maamul la,aanta halkaasi ka jirta.
 
Faisel Maxamed Hassan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya