4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Xukuumadda Somaliland oo masaafurisay Dad Ajaanib ah oo muddo shan bilood ah ku xidhnaa Berbera

Arbaco, 03 March 2010 (HOL)- Todoba qof oo u dhashay dalka Hindiya oo ka mid ahaa 14 shaqaale ka ah Markab muddo shan bilood ah lagu haysto magaalada Berbera, ayaa loo duuliyay dhinaca magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Siday uu faafiyay Wargeyska Daily Mirror oo ka soo baxa Sri Lanka, waxa maalmaha soo socda la sii dayn doonaa todobada kale ee shaqaalaha ka ah Markabka MV Leila Star, kuwaasoo u kala dhashay dalalka Sri Lanka, Pakistan iyo Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku daray, in talaabadan shaqaalaha Markabkaa muddada dheer ku xayirnaa dekedda Berbera ay ka dambaysay ka dib markii Somaliland ay xadhiga hawlwadeenadaa ajaanibka ah kala kulantay farogelin diblomaasiyadeed. “Shaqaalaha Markabka ee Hindida ah waxa lagu guulaystay in loo duuliyo Nairobi, labada Pakistaniyiinta ahna waxa lagu rejo wayn yahay in Jimcah laga daba geeyo,” ayaa lagu yidhi warkaa Daily Mirror faafisay.

Sidoo kale, waxa la sheegay in saddex Sri Lanka u dhashay oo uu ku jiro Kabtanka Markabku ay maalmaha soo socda u duuli doonaan dalkooda, ka dib markii la sii daayay.

Sida warka lagu sheegay, hawlgal diblomaasiyadeed oo ka yimi dalalka Sri Lanka, India iyo Pakistan ka dib, waxa lagu guulaystay in Somaliland bixiso duulimaadyada lagu daad-guraynayo shaqaalaha Markabkaas oo weli la haysto.

Markabkan oo ilaa 15 bishii September lagu haystay Somaliland, waxa uu ka diiwaangashan yahay dalka Imaaraadka Carabta.

MV Leila Star, waxa markii hore xayiraad saartay Maxkamadda gobolka Saaxil, ka dib markii ay dacwad ku oogtay Shirkadda Oomaar oo sheegatay in alaab ay lahayd ku gubatay Markab ay kan mataano yihiin oo bishii August ku gubtay dekedda Berbera.

Sii daynta shaqaalahani waxay ka dambaysay ka dib markii ay farogelin caalami ah dalbadeen, si wax looga qabto arrintooda.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland