4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Roobab khasaare geystay oo ka da’ay Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo baaq u jeediyay Xukuumadda

Arbaco, 03 March 2010 (HOL)- Roobab shalay ilaa xalay ka da’ay deegaano ka tirsan Deegaannada Somaliland, ayaa keenay khasaare kala duwan, waxaana arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Inta la ogyahay Gaadiid ay tiradoodu gaadhayso shan Baabuur oo kuwa yaryar ah, ayay qaadeen Daadad ku rogmaday Degmada Tog-Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya, isla maraana wuxuu galay Bakhaaradda ganacsiga, halkaas oo uu qooyay Raashinkii iyo agabkii kale ee dhex yaalay.

Geesta kale, siday sheegayaan masuuliyiinta Gobolka Gabiley oo ay hoos tagaan degmooyinka ay Roobabku waxyeelleeyeen, ilaa 5,000 oo Neef oo Adhi ah iyo tiro kale oo Lo’ ah ayaa ku le’day Roobabkan, kuwaas oo ku kala bakhtiyay deegaano kala duwan. Waxa kale oo ay Roobabku khasaare gaadhsiiyeen meelo ka mid ah Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay khasaaraha ay keeneen Roobabkani, waxaanu baaq u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

 “Sidaynu wada ognahay waxaa bilowday raxmaadkii roobka gu ga, ilaahayna aynu ugu shugri naqayno, maadaama uu inaga soo jabiyey abaartii baahsanayd ee guud ahaan ka jirtay Somaliland.

Roobabkaasi oo khasaare gaadhsiiyey magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, waxaanay waxyeeleeyeen goobo kala duwan oo ku yaala Magaalooyinkaas.

Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxaanu ka tacsiyadaynaynaa khasaaraha naf iyo maalba leh ee soo gaadhay  magaalooyinka Wajaale iyo Berbera. Sidaa darteed, Xisbiga Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland, Dawlaha Hoose iyo dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah inay u gurmadaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha soo gaadhay magaalooyinkaas.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa, kuna talinayaa Xukuumada Somaliland inay qorshe habboon ka yeelato waxyeelooyinka sida caadiga ah roobabku soo gaadhsiiyaan Magaalooyinka Somaliland, sida daadadka galay Bakhaaradda Wajaale iyo Maxjarka Xoolaha ee Berbera.

Ugu danbayntii, Waxaanu kula talinaynaa Xukuumadda Somaliland in la Sameeyo qorshe lagaga faa’iidaynayo  biyaha roobabka ee sanad walba iyagoo qulqulaya badda toos u taga, dadweynahana waxaanu ku boorinaynaa inay xoogga saaraan sidii ay u kordhin lahaayeen wax-soosaarkooda dalaga beeraha, iyagooka faa’iidaysanaya roobabka. Bulshow aynu isku tashano, nimaan dhididini ma dhargee.”
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.