4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
MADAXWEYNE RAYAALE: “Beesha Caalamka oo uu Ingiriisku ka mid yahay waxaanu ka dalbanaynaa inay Somaliland ka caawiyaan sugitaanka amniga”


Jimco, 22 January 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed iyo amni.

 

Warsaxaafadeed uu Afhayeenka Madaxweynuhu kulankaa ka soo saaray, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Rayaale beesha caalamka u jeediyay in Somaliland laga taageero sugitaanka amniga.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin,  waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti ka socda Safaaradda Dawlada Britain ay ku leedahay Dalka Ethopia. Waftigaas oo booqasho gaaban ku yimi Somaliland waxa hogaaminayay Safiir ku Xigeenka Safaarada Britain ee Dalka Ethopia Mr. John Marshal.

 

Waftigaasi oo ujeeddada socdaalkoodu u ahaa sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo in ay u kuur-galaan Marxaladaha Siyaasada iyo aminga Somaliland, gaar ahaan halka ilaahada ay Marayso u diyaar garawga Doorashooyinka Dalka ku soo fool leh.

 

Madaxweynaha oo hadal kooban Waftigaasi u jeediyay waxa uu carabaabay in Somaliland marwalba intii tamarteeda ah ay si taxadir leh u ilaashanayso nabaddeeda iyo xasiloonideeda, iyadoo aynu ka war qabno amaan-darida iyo khataraha Mandaqada Geeska ka taagan.

 

Madaxweynuhu isagoo arintaas sii faah-faahinaaya waxa uu yidhi, “Waxaan ka codsanaynaa in Wadamada Caalamku Britain ka mid tahay in ay naga caawiyaan sidii marwalba aan u sugi lahayn Arimaha nabadgelyada iyo amniga Somaliland ay ku caano maashay” waxa kale oo Madaxweynuhu soo qaaday in wax allaale wixii khilaaf Siyaasi ah  ay Somaliland dhexdeeda ku dhamaysan doonto sidii looga bartay, iyadoo Komishanka Cusub ee Doorashooyinkana Madaxweynuhu ku hanbalyeeyey sida fiican ee hawshoodu u wadaan iyadoo Xukumadiisuna ay marwalba diyaar u tahay in ay Dalka ka qabsoomaan Doorashooyin Xor ah oo xalaal ah marka Komishanka Doorashooyinku wakhtigeeda cayimaan.

 

Mr. John Marshal Safiir-ku-Xigeenka Britain ee Dalka Ethiopia oo isagu goob joog ka ahaa Heshiisyadii Lixda qodob ka   koobnaa ee Axsaabta Qaranku kala Sexeexdeen, waxa uu ku Amaanay Madaxweyne Rayaale iyo Xukumadiisaba sida marwalba ay uga go’antahay in Doorashooyin Xor  oo Xalaal ah ay  Dalka ka qabsoomaan, isla markaana sida ay had iyo jeer u ilaashanayso nabad gelyada iyo  Xasiloonida dalkeeda ka jitra, taasoo  uu gaadhsiin doono Madaxda Xukumada Britain.

 

Waftigaasi Safaaradda Britain waxa kale oo ka mid ahaa Mr. Matt Woods oo isaguna ah Madaxda sare ee Safaarada Britain ee Dalka Ethiopia .

 

Waftigu intii ay joogeen Somaliland waxa kulamo kala duwan ay la yeesheen Wasiirro dhawr ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibada Wasiirka Dib u Dajinta iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha.

Waxa kale oo waftigu kulama  iyana la yeesheey Komishanka Doorashooyinka iyo qaarka mid ah Axsaabta Qaranka”.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland