4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
Xoogaggii la wareegay Magaalada Beledweyne oo bililiqo u geystay laba xafiis oo ay lahaayeen hay'adaha gargaarka

Jimco, January 22, 2010(HOL): Kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee la wareegay gacan ku haynta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa u dhacay xarumo ay ha'yaddaha WHO iyo Save the Children UK ku lahaayeen Magaaladaas, iyagoo ka qaatay qalabkii yaalay oo ay ku jireen Computers.

Mid ka mid ah saqaalaha hay'adan oo la hadlay Wakaalada wararka ee AFP isagoo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ciidamada kooxaha la wareegay Baladweyne ay gudaha u galeen xarumaha hay'adaha ayna qaateen wax walba oo yaalay markii ay saakay la wareegeen Baladweyne.

"Qaar ka mid ah kooxihii la wareegay gacan ku haynta Baladweyne saakay ayaa xoog ku galay xarumaha hay'adaha gargaarka, waxay qaateen hubkii ay haysteen ilaalada xarumahaas, sidoo kale waxay qaateen qalabkii yaalay oo dhan" ayuu yiri qofka magaciisa sababo ammaan u qariyay oo ku sugan Beledweyne.

Goobjooge isku magacaabay Cali Xuseen ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Xisbul Islam iyo Xarrkatul Shabaab ay xarumaha ha'yadaha galeen ayna kasoo qaateen hub iyo qalab kale.

"Shaqaalihii hay’adaha xarumahooda la galay waxaa la hayay qadar saacado ah, waana la iska sii daayay, waxayna ugu baaqeen inaysan dib ugu laaban xarumaha hay’adaha" ayuu yiri Cali Xuseen.

Hay’adaha xarumahooda dhaca loo geystay ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwa ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyadoo saraakiisha xoogaga Islaamiyiinta ah ee la wareegay gacan ku haynta Magaaladaas aysan ka hadlin dhaca loo geystay labada hay’adood.

"Waxaan arkay qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda Save the Children oo laga soo saarayo xarunta hay’adda iyagoo indhaha ka xiran" ayuu yiri Muniir Aadan oo isaguna ka mid ah dadka ku nool Magaalada Baladweyne goobjoogna u ahaa dhacdooyinkan.

Kooxaha dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda ee Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ayaa waxay horay uga eryeen gobolada ay gacanta ku hayaan ha’yado gargaar oo qaarkood ay ahaayeen kuwo hoostaga Qarammada Midoobay, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwo madaxbanaan, kuwaasoo lagu eedeeyay jaajuusnimo.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya