4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
Xarrakada Al-Shabaab oo sheegtay inaysan weerar ku ahayn dalka Kenya

Jimco, January 22, 2010(HOL): Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay inaysan xiligan doonayn inay weerar ku qaadaan dalka Kenya, isagoo caddeeyay in hadal hanjabaad ah oo ay saxaafadda baahisay oo la sheegay in Amiirka Al-Shabaab uu bixiyay uu ahaa mid looga been abuurtay Amiirkooda.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in cajaladda lagu baahiyay saxaafadda aysan iyagu baahin, ayna tahay mid looga been abuurtay.

"Innagu uma hanjabin dalka Kenya, Sheekadaasna waa mid been ah, inaguna kuma daabicin warkaas Internetka, wax walba waxay u baahan yihiin in marka hore ay saxaafadda hubiso" ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Xarrakada Al-Shabaab oo gacanta ku haysa inta badan gobollada Koonfurta Soomaaliya  iyo kuwa xuduudaha Kenya ku yaalla ayaa horay ugu hanjabtay inay weerari doonto dalka Kenya, inkastoo aysan wax dagaal ah qaadin. sidoo kale waxay hanjabaad taas la mid ah u direen dalka Itoobiya.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in hoggaamiyahooda Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubeyr uusan wax hadal ah jeedin muddo 3-bilood ah, isagoo yiri: "Sidee suurogal u tahay inuu u hanjabo Kenya".

Ciidamada Kenya ayaa ka qabqabtay Magaalada Nairobi todobaadkan dad Soomaali ah, iyadoo mas'uuliyiinta dalkaas ay sheegeen inay baadi-goob ku hayaan kooxo xiriir la leh Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ay sheegeen inay abaabuleen mudaaharaad ka dhacay Magaalada caasimadda Kenya Jimcihii lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya