4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
Mareykanka oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in la siiyo hub ay isaga difaacdo kooxaha kasoo horjeeda

Jimco, January 22, 2010(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in lagu taageero hub ay isaga difaacdo kooxaha kasoo horjeeda oo ballan ku galay inay kursiga ka tuuri doonaan dowladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariif.

Kaaliya Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay inay hubeyso ciidankeeda si ay isaga caabiso weerarada kaga Imaanaya kooxaha Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

"Dowladda Soomaaliya waxaan u taageeraynaa hub si ay isku difaacdo, balse waxaa loo baahan yahay in dowladdu ay mas'uuliyad muujiso marka ay hubka qaybinayso isla markaana aysan ciidankeedu u adeegsan si kale" ayuu yiri Carsor.

Hadalka mas'uulkan ayaa imaanaya kaddib markii haya'dda Amnesty International qoraal ay shalay soo saartay ku sheegtay in la joojiyo gargaarka hubka iyo midka ciidan ee la siiyo DFKMG, iyadoo sheegtay in hubkaas loo adeegsado falal ka baxsan xuquuqda Insaanka.

"Hubkii loogu deeqay dowladda Soomaaliya waxaa lagu dhibaateeyay dad rayid ah oo aan dagaalada socda lug ku lahayn, sidoo kale hubka qaarkiis wuxuu gacanta u galay kooxaha dowladda ku kacsan" ayaa Amneysty warbixinteeda ku sheegtay.

Johnnie Carson, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonayo inay ciqaabto askarigii hubka ka iibiya kooxaha asoo horjeeda, lana ilaaliyo qaabka hubka loo adeegsanayo.

Mareykanka ayaa sannadkii hore ugu deeqay Dowladda Soomaaliay hub ay ku jireen hoobiyeyaal, qoryo fudud iyo weliba rasaas, iyadoo hubkaas loogu talogalay in dowladdu ay isaga difaacdo kooxaha kasoo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya