4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
Khilaaf ka dhex taagnaa Puntland iyo hay’adaha samafalka oo la xaliyay

Jimco, January 22, 2010(HOL): Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in la xaliyay khilaaf ballaaran oo u dhaxeeyay Maamulka iyo hay’adaha samafalka ee ka howl gal meelo ka mid ah Puntland,kaasi oo ku saabsanaa eedaymo ay labada dhinac kala tirsanayeen.

K/Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta dawlada Puntland Maxamed Cali Ismaaciil oo shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa shalay galinkii danbe ayaa sheegay in la isla gaaray Heshiisyo wax ku ool ah oo laga hirgalin doono Gudaha Puntland
 
Waxaa kaloo uu agaasimaha sheegay in laga heshiiyay khilaafkii ka dhaxeeyay Maamulka iyo Hay’adaha, kaasi oo intiisa badan ku saabsanaa Maashaariicda horumarineed ee Puntland laga hirgalin doono sanadaha Soo socda .
 
Sidoo kale waxaa uu Agaasimuhu sheegay in wakiilladii kakala socday World Bank, EU iyo Dalka Masar in loo ballan qaaday sidii loo sugi lahaa ammaanka shaqaalahooda ka howl gala gudaha Puntland.

“Waxaa la isla gaaray diyaarinta Qorshaha horumarineed ee Sanadaha soo socda oo  ka bilaabanaysa sanadkan 2010-2012 ,waxaana filaynaa isbadal ku yimaada howlaha qabyada ka ah Puntland" ayuu Agaasimaha u sheegay qaar ka mid ah saxaafadda.

Khilaafka ka dhaxeeyay Maamulka iyo hayadaha samafalka ayaa markii hore ka dhashay hakinta ballanqaadyo ay fulin lahaayen hay’adaha sanadkan cusub iyo arrimo ka dhashay ammaan xumo soo food saaratay qaar ka mid ah Shaqaalaha Hayadaha samafalka ee ka howl gala Puntland.
 
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya