4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika (DAAWO SAWIRRADA AASKA MARXUUMKA)


Jimco, January 22, 2010(hol): Labo dhalinyaro soomaaliyeed ah  ayaa lagu gubay goob ganacsi oo ay ku lahaayeen xaafad ku taalla duleedka magaalda Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

 

Dhalinyarada ayaa waxa ay ahaayeen saddex wiil oo dhex jiifay gudaha dukaankooda, waxaana dab la qabad siiyay dukaankoodii saq dhexe habeenimadii Khamiista iyagoo dhex hurda dukaanka.

 

Waxaa halkaasi ku naf waayay alle ha’u naxariistee marxuum, Ismaaciil Cabdi Ciid, iyadoo ay dabkaas ku dhaawacmeen Salaad Afgooye iyo Axmed Cabdule Suge kuwaasi oo  isbitaalka loola cararay.Dabka ayaa waxa uu gabi ahaan bur-buriyay goobtii ganacsi oo ay lahaayeen dhalinyaradaasi.

 

Soomaalida ayaa marar badan la kulmay dilal noocaan oo kale ah, lamana garanayo ujeedada dhabta ah ee ka dambeeysa dilalkan. Soomaalida qaarkood ayaa waxa ay ku ganacsadaan xaafado isku raran ah oo ay ka dhex buuxaan burcad hubeeysan oo soomaalida kula kaca dil dhac, dil  iyo  waliba in ay dab qabadsiiyaan qaar ka mid ah goobaha ganacsi oo ay Soomaalidu leeyihiin kuwaasi oo ka sameeysan looxaan ama alwaaxyo kuwaasoo u sahlan in dab la qabadsiiyo ama si fudud loo bur-buriyo.

 

Meydka labada wiil ayaa waxa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee magaalda Cape Town waxaana aaska ka qeyb galay qaar ka tirsan culimada xaafadda Belville iyo ganacsato kale.



Faarax Daahir, Hiiraan Online

[email protected]

Cape Town, South Africa