4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
Dagaal goor dhaweyd ka bilowday duleedka Magaalada Beledweyne

Jimco, January 22, 2010(HOL): Wariyaha Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya in goor dhaweyd uu dagaal xooggan ka bilowday inta u dhaxeysa deegaannada Xujuub iyo Baardheere oo ku yaalla duleedka Magaalada Beledweyne.

 

Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa xoogag kala taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Xisbul Islaam, kuwaasi oo maalmihii aanu ka soo gudubnay isku horfadhiyay deegaanka uu hadda dagaalka ka socdo iyo deegaanno u dhow.

 

Dhinacyada dagaallamaya ayaa la sheegayaa in ay dagaalka dib u bilaabeen kaddib markii ay gurmadyo u yimaadeen, iyadoo dagaalkoodana uu salka ku hayo gacan-ku-heynta  Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka.

 

Dhanka kalena, sida wariyaheena soo sheegayo waxaa duqeyn ku socotaa Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Beledweyne, taasi oo shalayna sidan oo kale la duqeeyay. Xaafaddan ayaa waxaa fariisimo ka sameystay saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna, waxaana la rumeysan yahay in ay duqeyntaas ka imaaneyso dhinaca Kooxaha ka soo horjeeda Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Wixii ku soo kordha dagaalka ka qarxay duleedka Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]