Isniin, January 11, 2010(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max'ed Cumar Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in jirtaanka xukuumadda Soomaaliya uu ku xiran yahay kan guddoonka sare ee baarlamaanka, isagoo ka jawaabayay hadallo kasoo baxay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Prof. Dalxa wuxuu mas'uuliyad-darro ku tilmaamay hadalladii kasoo baxay xubno ka tirsan baarlamaanka oo dhawaan Muqdisho shir ku yeeshay, kuwaasoo sheegay in sharci ahaan uu dhammaaday xilligii shaqo ee guddoonka baarlamaanka lana joogo xilligii la dooran lahaa hoggaan cusub.
"Waa wax lala yaabo hadallada kasoo yeeraya mudanayaasha baarlamaanka qaar ka mid ah, waayo waa mid mas'uuliyad-darro ah, waxaana in la ogaado wanaagsan in guddoonka baarlamaanku uu dhaco ay dhacayso dowladda oo dhan" ayuu yiri Prof. Dalxa.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa daliil u soo qaatay in baarlamaanku uu ansixiyay xilalka Madaxweynaha iyo golaha wasiirrada, haddii ay iyagu dhacaanna ay noqonayso in baarlamaanku dhacay, wixii ay ansixiyeenna ay dhacayaan.
Xildhibaan Max'ed Qanyare Afrax oo ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray Prof. Dalxa ayaa sheegay inuu sharci ahaan xilligoodii dhamaaday ayna u baahan yihiin dib u doorasho cusub, maadaama uu xilligoodii ku ekaa bishii Ogoosto ee 2009.
"Hadallada kasoo baxaya guddoonka baarlamaanka waa kuwo Jacaylkooda ah, iskuma xirna xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha, haddii ay isku xiran yihiinna waxay isku xirnaan lahaayeen markii xilka laga qaadayay Shariif Xasan" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Qanyare Afrax.
Buuqa ka taagan gudaha Baarlamaanka ayaa cirka isku sii shareerayay iyadoo mudanayaashu ay qaarkood la safan yihiin guddoonka baarlamaanka, halka kuwa kalena ay kasoo horjeedaan, waxaana xiisadda faraha la galay Madaxweyne Sheekh Shariif si uu u xalliyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya