11/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2010
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo booqday Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Khamiis, December 09, 2010 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur(Ameeriko) iyo saraakiil kamid ah safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa booqasho gaaban kutagay xeryaha  Dhadhaab ee gobolka waqooyi barri ee dalka Kenya. Xerada Dhadhaab oo ah xarada qaxootiga ugu weyn ee adduunka ayaa ka kooban xaryaha Dagaxleey, Ifo iyo Xagadheera. Socdaalka Safiirka ayaa ku koobnaa xerada Xagadheera

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen Axmed Guure, madaxa Hiiraan Online iyo Sahra Cabdi oo ka tirsan wariyayaasha Idaacadda VOA  ayaa ujeedada socdaalkiisa ku sheegay inay tahay  inuu ogaado xaalada nolosha qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xeryaha dhadhaab.

Madaxa Xafiiska hay’ada UNHCR ee Dhadhaab Richard Acland ayaa warbixin kooban kabixiyay xaalada nolosha xeryaha Iffo, Xagardheera, iyo Dhagaxleey oo hoostaga deegaanka Dhadhaab.

Mr. Acland ayaa sheegay in qaxootiga faraha badan ee kusoo qul qulaya xerooyinka aysan ku filneyn  sidaa darteedna ay qorsheynayaan in ay dhisaan xero cusub oo qaabisha qaxootiga cusub, wuxuuna intaa kudaray in xerada cusub ay ka dhismo wanaagsanaan doonto kuwii hore.

Madaxa UNHCR oo wax laga weydiiyay xaalada biyaha xeryaha ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan arrintaasi oo ay kordhindoonan biyaha hada qoys walba la siiyo lana gaarsiindoono ilaa 20 Ltr.

Xeryaha dhadhaab ayaa waxaa maalin walba soo gaara qaxooti hor leh oo ka soo qaxaya dgaalaka ka socda dalka Soomaaliya iyaga oo inta ay wadada ku soo jiraan la kulmo dhibaatooyin xaga nolosha ah.

Qaxootiga ugu badan waa Soomaali, qaarkood waxaa ay dhadhaab yimaadeen 1991-1992 kii waxaa halkan ku qaan gaaray oo reero yeeshay carruurti  ku dhashay oo kamid ah qaxootiga kunool xeryaha dhadhaab.

Inti mudadaa udhaxeysay qaxu ma istaagin oo waxaaba xeryaha kujira qaxooti cusub oo maalmo  un jooga dhadhaab.

Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa waxaa lakulmay gudiga qaabilsan qaxootiga Soomaalida ah iyo saraakiil kamid ah hay’ada UNHCR oo halkaasi ku sugnaa.

Danjiraha ayaa kulugeeyay oo soomaray xeryaha isaga oo inta uu ka gaaray mid mid uga wareeysanayay qaxootiga Soomaalida ah xaaladooda nolosha iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin ay qabaan.

Xarada qaxootiga ee Xagadheera ayuu danjiraha ku booqday xaruunta curyaamiinta, ururka haweenka Xagadheera waxayna dhammaantooda farta ugu fiiqeen dhibaatada meesha ka jirta.

Ugu dambeyntii ayuu danjiraha gaaray xaro ay ku sugnaayeen dad cusub oo mar dhaw ka yimid dalka Soomaaliya

Dadki isku soo baxay ayaa danjiraha usheegay in ay mudo dheer sugayeen in uu soo booqdo masuul kasocda dowlada Soomaaliya waxayna usheegeen safiirka in xeradaan ay ku jiraan inkabadan 300,000 oo qof oo Soomaali ah kuwaasi oo xaalado adag kunool una baahan kaalmo deg deg ah.

Dadweynaha ayaa ka codsaday Safiirka in uu fariin ka gaarsiiyo madaxda dolwada DMG ka ah ee Soomaaliya isla markaana ay soo booqdaan xeryaha qaxootiga, waxaana ay si gaar ah udalbadeen in madaxweynaha iyo raysil wasaaraha gaar ahaan ay soo booqdaan.

Xaqiiqda ka jirta Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

- Qaxootiga ugu weyn ee adduunka, waxaana ku nool dad ka badan 330000 oo qofood
- Waxaa bishiiba soo gala dad ka badan 5000 oo qofood
- 125 arday ayaa wax ku barta hal qol (One class per 125 students)
- Macalimiinta halkaas wax ka dhiga ayaa 80% aanan haysanin wax shahaada ah

- Waxaa daggan fac seddexaad (third generation) - qof 7 jir ku soo galay ayaa hadda caruur ku dhalay.
- Waxaa sannad waliba laga qaadaa dad gaaraya 7-8 kun oo qofood oo la dajiyaa wadamada Mareykanka, Canada, Australia iyo wadmo kale
- Waa deegaanka afaraad ee dalka Kenya, ayada oo ka kormartay tiro ahaan magaalada Kusumo.
- Waxaa aad loo xadiday dhaqdhaqaada dadka ku nool xeryahan


Sidee marka loo kaalmeeyaa dadkan sida weyn ugu dhibaateysan xerooyinkan? waa su'aal u taala qof waliba oo Soomaali ah meel kasta uu adduunka ka joogo. Kaalmo deg-deg ah ayeey dadkaan u baahanyihiin oo  ku aadan fikir aan ku koobneyn lacag loo aruuriyo oo kaliya, laakin aragti dheer oo ka saarta dhibaatadan. Waxaase hadda muhiim ah in kaalmo deg-deg ah lala soo gaaro.

Haddii aad hayso fikir kaalmeynaya dadkaan, fadlan ku soo dir e-mailka: [email protected]

Ayaanle Xuseen Cabdi
Nairobi, Kenya