11/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2010
Xulka Soomaaliya oo Jabuuti ku laabtay iyo wareegga hore ee ciyaaraha CECAFA oo dhamaaday




Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), Hiiraan Online
Darasalaam, Tanzania
[email protected]


Isniin, December 06, 2010(HOL): Ciyaartooyda xulka qaranka K/cagta Soomaaliya ayaa dib ugu laabta magaaladda Jabuuti ee wadan Djibouti, kaddib markii ay ku fashilmeen in ay natiijo ka gaaraan koobka K/cagta ee qaramada Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA ee ka socda magaaladda Darasalaam ee Wadanka Tanzania.

 

Tababaraha xulka Soomaaliya Yusuf Adam oo ah kabtankii hore ee xulka wadanka Qadar ayaa ii sheegay in ciyaartooydu ay tababar ku sameyn doonaan magaaladda Jabuti isla markaana todoobaad kaddib ay u duuli doonaan magaalada KHartuum ee wadanka Sudan, halkaas oo labada xul ee Sudan iyo Somalia ee Under 20 ay ku ciyaari doonaan kulanka labaad ee is reeb-reerbka ciyaaraha Olombikada ee London 2012.

 

Kulankii hore ee labada qaran ku dhex maray wadanka Djibouti ayaa ku soo dhammaaday 0-0, waxaana haddii xulka SOomaaliya uu badiyo ama bar-bar dhac goolal ah (away goal different) uu xulka SOomaaliya ka mid noqon doonaa xulalka u soo baxay ciyaaraha group stage ee Olombikada adduunka oo Africa oo dhan laga rabo 5 wadan oo qura in ay u matelaan London 2012.

 

“Kaddib guuldarrooyinkii ciyaarihii CECAFA waxaan filaya in ciyaartooydu ay hada leeyihin khibrad ay uga badiyaan dhiggooda wadanka Sudan, waayo sida iiga muuqata Sudan qudheedu wax weyn ma heyso” ayuu yiir tababaraha SOomaaliya Yusuf Adam oo intaas ku daray “Rajadeena u soo bixista ciyaaraha heerka group stage ee London 2012 ma xuma, waana ku dadaali doonaa in aan Sudan ka soo adkaano”.

 

Dhinaca kale waxaa galabta (shalay galab) la soo gaba-gabeeyay wareega hore ee koobka CECAFA 2010, kaddib markii labadii kulan ee ugu dambeeyay uu xulka Uganda 2-0 uga adkaaday Kenya, iyadoo shir jaraa’id oo garoonka dhexdiisa uu ku qabtay tababaraha xulka Kenya Jacob’Ghost’Mulee uu ku sheega inuu iska casilay jagada tababarenimo ee xulka Kenya, iyo Ivory Coast oo 3-0 ku qabatay Sudan,   waxaana xulalka soo baxay wareega 8-da  ay kala yihiin:- Zambia, Ethiopia, Ivory Coast, Malawi, Uganda, Zanzibar, Tanzania iyo  Rwanda.

 

Isku aadka wareega 8-da.

Zambia Vs Ethiopia, Live Supper Super Sport 9, 7th December 2010 2:00 PM

Ivoey Coast Vs Malawi, Live Supper Sport 9,  7th December 2010  $:00 PM

Uganda Vs Zanzibar, Live Super Sport 9, 8th December 2010 2:00 PM

Tanzania VS Rwanda, Live Super Sport 9, 8th December 2010 4:00 PM

 

Shaxda wareega hore ee Tartanka.

Group A,

No.

Wadan

Kulan

Dhibco

1

Zambia

3

7

2

Tanzania

3

6

3

Burundi

3

4

4

Somalia

3

0

Group B,

No.

Wadan

Kulan

Dhibco

1

Ivory Coast

3

6

2

Rwanda

3

5

3

Zanzibar

3

4

4

Sudan

3

1

Group c,

No.

Wadan

Kulan

Dhibco

1

Uganda

3

7

2

Malawi

3

5

3

Ethiopia

3

4

4

Kenya

3

0

FG: Sida sharciga CECAFA uu dhigayo Xulalka Zanzibar iyo Ethiopia, waxay ku soo baxeen best loser maadaama ciyaaraha wareega labaad ee tartanka ay ku saxmayaan 8 wadan.