12/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2010
Xulka Zambia oo 6-0 uga badiyay xulka Soomaaliya (SAWIRRO)


Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), Hiiraan Online
[email protected]
Darasalaam, Tanzania


Jimco, December 03, 2010(HOL): Ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya ayaa galabta guuldarro  xun kala kulmay dhiggooda wadanka Zambia, kaddib markii ciyaartii dhex martay labada xul ay  Zambia 6-0 uga badiyay xulka qaranka Soomaaliya ee  The Ocean Stars, waxaan guuldarradii 3-aad oo isku xigta oo xulka Soomalia ku habsata koobka xulalka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ee ka socda Magaaladda Darasalaam ee wadanka Tanzania.
 
Weeraryahanka xulka Zambia Felix Sunzu ee xirta funaanadda number 9 ayaa 4 ka mid ah goolasha xulka Zambia oo midkood ahaa rigoore u dhaliyay xulkisa, iyadoo 3 ka mid ah goolashaaas oo uu dhaliyay qebtii hore ee ciyaarta ay dhasheen 3 daqiiqo gudahood.


Goolhayaha xulka Soomaaliya Khaalid Cali Mursal ayaa ku fashilmay inuu hakiyo kubadahaas oo dhamamantood ahaa kuwa ka yimid ciyaartooyda garbaha uga ciyaarta xulka Zambia.
 
Hase haatee markii labada xul ay ka soo laabteen 15-ka daqiiqo ee nasashada ayay ciyaartooyda Soomaaliya waxay sameeyeen dhaq-dhaqaaq ka wanaagsan midkii qeybtii hore, hase ahaatee Zambia waxaa u suurto gashay xulka Zambia  in ay gool kale oo niyad jaba ah ka dhiliyaan xulka Soomaaliya, iyadoo daqiiqadii 80-aad goolka lixaad uu ka dhiliyay Venecious Mapande.

Tababaraha xulka Soomaaliya Yusuf Adem oo markii ciyaarti dhammaatay saxaafadda u waramayay ayaa yiri “Waan ka xumahay guuldaraada xun ee xulkeena ku habsatay, hase ahaatee waxaan ku faraxsanahay in ciyaartooydu ay ka wanaagsan yihiin sidii aan u maleynayay, waayo xulka waa xul cusub oo aan hadda dhismihiisa wado, waxayna u noqoneysaa khibrad iyo waayo aragnimo, kuma aynaan soo talo galin in aan koobka CECAFA ku guuleysano, sababtoo ah ma jiro wadan nabad ah iyo qalab ay tababar ku sameeyaan oo ku filan”


Kabtankii hore ee xulka qaranka wadanka Qadar Yusuf Adem, laakiin asal ahaan Soomaali ah  ayaa ii sheegay in ciyaartooydiisu ay yihiin kuwa da’ yar, isla markaana ay la ciyaareen wadan magaca iyo sumcad ku leh kubada cagta Africa.

Yusuf wuxuu intaas ku  daran in badankood ciyaartooyda xulka ay 19-ka bishan u safri doonaan wadanka Sudan, halkaas oo ay kula ciyaari doonaan xulka Sudan kulanka labaad ee is reeb-reebka Under 20 ciyaaraha Olombimada ee London 2012, iyadoo kulankii hore ee labada xul uu ku soo dhammaaday 0-0, kaas oo ka dhacay wadanka Djibouti.

Dario Bonetti oo ah tababaraha xulka Zambia ee u dhashay wadanka Talyaaniga ayaa isna yiri “Ciyaartooyda xulka Soomaaliya labadii kulan ee hore waxay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan, laakiin galabta ma garan karo waxa ku dhacay, inkastoo muuqaal ahaan ay ka muuqto in ay yar-yar yihiin, hadana markii aan Internet-ka ka aqriyay dhibaatada SOomaaliya ka taagan, waxaan dhihi karaa ciyaartooydan waxay mudan yihiin taageero dhinaca kasta ah”

Xulka ayaa xitaa ku  guuleysan waayay inuu 1 gool ka dhaliyo 3 kulan ee ka ciyaaray ciyaaraha CECA 2010, waxaana taas bedelkeeda laga dhaliyay 11-gool, waxaana xulka Soomaaliya.