Sabti, October 09, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la rajeynaya inuu magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, toddobaadka soo socda marka uu kasoo laabto shir ka dhacaya dalka Liibiya.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaalya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa xilkiisa iska casilay 21-kii bishii hore, isagoo sabab uga dhigay iscasilaaddiisa soo af-jaridda khilaaf bilooyin soo jiitamayay oo u dhexeeyay isaga iyo Sherkh Shariif.
"Madaxweyne Shariif wuxuu soo gabagabeeyay la-tashiyo ku saabsan cidda uu u magacaabayo xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, kuwaasoo uu la yeeshay la-taliyeyaashiisa iyo xildhibaannada baarlamaanka, waxaana u dhiman magacaabidda ra'iisul wasaaraha Soomaaliya," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday madaxtooyada Soomaaliya.
Sheekh Shariif, ayaa tan iyo markii uu iscasilay ra'iisul wasaarihii hore, wuxuu kulamo la qaadanayay waxgaradka bulshada, xubnaha dowladda, khabiirro, isagoo kala tashanayay magacaabidda Ra'iisul wasaaraha cusub.
Xilkan, waxaa dadaal ugu jira tiro siyaasyiin Soomaaliyeed ah, kuwaasoo la hadlay saxaafadda sheegayna inay kasoo bixi karaan howsha culus ee hortaalla Ra'iisul wasaaraha cusub, iyadoo la filayo inuu ka yimaado dhinaca Puntland, maadaama ay dowladdu ku dhisan tahay nidaamka 4.5.
Dowladda Soomaaliya, ayaa lagu soo dhisay dalka Jabuuti 2009, kaddib shir dib u heshiisiin ah oo dhexmaray Midowgii Maxkamadihii Islaamka iyo TFG, iyadoo ka talisa qayb yar oo Muqdisho ka tirsan, halkaasoo ay ku ilaalinayaan ciidanka AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya