4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2010
Qiimaha maceeshadda oo kor u kacday Somaliland, sarrifka Lacagta oo aad hoos ugu dhacay iyo cabashada dadweynaha

Talaado, 05 October, 2010 (HOL)- Suuqyada magaalooyinka waawayn ee Somaliland, waxa muddooyinkii u dambeeyay sare uga kacay sicirka maceeshada quutal-daruuriga ah.

 

Inkastoo ay suuqyada dalku haatan uu hadheeyay hoos-u-dhac laxaad leh oo ku yimi sicirka sarrifka lacagta dolarka, haddana waxa dadweynuhu aad uga welwel qabaan qiimaha maceeshadda quutal-daruuriga ah oo kor u kacay. “Qofka reer horjooge u ah ee 100 Dollar dibedda looga soo diri jiray, maanta wax uu u goynayaa ma jirto. Raashinkii halkiisii buu taagan yahay, Sarifkii lacagtuna aad buu hoos ugu dhacay,” sidaa waxa HOL u sheegay mid ka mid ah dadka lacagaha dibedda looga soo diro.

 

Qiimaha sarrifka lacagta Dollar-ka ayaa hoos u dhacay, waxaana sarrifka 100-ka dollar uu marayaa maanta 550,000 oo Somaliland Shiling ah, halka uu laba toddobaad ka hor uu marayay 630,000 oo Somaliland Shling ah.

 

Sidoo kale waxa kor u kacay qiimaha Raashinka quutal-daruuriga ah ee suuqyada Hargeysa.

 

 “50kg ee Bariiska ah waxa uu saddex bilood ka hor ahaa 29 dollar, halka ay maanta ka tahay 32 dollar.

50Kg ee daqiiqda ah waxa uu saddex bilood ka hor ahaa 21 dollar, halka uu maanta ka yahay 26 dollar.

50Kg ee sonkorta ah waxa uu saddex bilood ka hor ahaa 34 dollar, halka uu maanta ka yahay 43 dollar

20Kg ee salliida ah waxa uu saddex bilood ka hor ahaa 21.5 dollar, halka ay maanta ka tahay 21.5 dollar

10Kg ee Baastada ah waxa ay saddex bilood ka hor ahayd 7.5 dollar, halka ay maanta ka tahay 9.6 dollar.”

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.