Soomaaliya oo markii ugu horreysay sheegatay lahaanshaha Jasiiradda Socotra oo ay maamusho dowladda Yemen

Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariihkda sheegatay lahaanshaha jasiiradda Socotra, oo ay gacanta ku hayso dowladda Yemen,waxayna Qarammada Midoobay u gudbisay qoraal ku saabsan in la qeexo cidda iska leh jasiiraddaas. Sida uu wargeys lagu magacaabo Yemen-Post oo kasoo baxa dalka Yemen uu u sheegay Arbacada maanta ah madaxa xarunta barashada Istiraatiijiyadda ee Saba oo ku taalla Yemen.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay iyadu maamusho jasiiradaas. Taasoo xuduud dhererkeedu yahay 340-km la leh dalka Yemen, iyadoo sheegtay inay deegaan ahaan iy xuduud ahaan iyadu leedahay.

“Sheegada Soomaaliya ee Jasiiradda Socotra, waxay kusoo beegantay xilli ay hay’adaha gaarka ah iyo ururrada dalka Yemen wadeen qorshayaal ay dib ugu dhisayaan deegaan ahaan iyo Juquraafi ahaan, si ay qayb uga noqoto dalka Yemen,” ayuu yiri Axmed C/kariim Saa’if oo ka tirsan dowladda Yemen.

Xukuumadda Yemen, oo ka jawaabaysay codsiga ku saabsan lahaanashaha jasiiradda ee ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Qarammada Midoobay, ayaa sheegay in taariikhda, dhaqanka iyo raadadka ka jirta Jasiiraddaas ay ay leedahay Yemen.

Mr. Saa’if, ayaa sheegay in Yemen ay ka jawaabayso dacwooyinka ku saabsan Jasiiradda, isagoo xusay inay dadaal u galayaan sidii ay ugu suurogeli lahayd in iyaga loo xukumo, maadaama ay ku taallo inta u dhexeysa labada dal ee Yemen iyo Soomaaliya.

Jasiiradda Socotra, oo ku taalla meel ku dhow Soomaaliya dhul ahaan, ayaa waxaa gacanta ku haysay muddo dheer, waxaana dowladda Yemen ay sheegtay inay dadaal dheer ugu jirto inay hanato lahaanshaheeda, iyadoo tixraacaysa dadka ku dhaqan Socotra, gaar ahaan dhinaca dhaqanka iyo luuqadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya