4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2010
Dowladda Yugaandha oo ku hanjabtay inay ciidammadeeda nabad ilaalinta ah kala baxayso Soomaaliya

Jimco, Oktoobar 01, 2010 (HOL) – Dowladda Yugaandha ayaa ugu hanjabtay Qarammada Midoobay inay ciidammadeeda ku sugan dalka Soomaaliya la baxayso, iyadoo kaga jawaabaysa warbixin maanta la daabacay oo ku saabsan xadugudbyo dhinaca bani’aadamnimada ah oo lagu eedeeyay ciidammadeedu inay ka geysteen dalka Congon sannadihii 1993 - 2003.

Warqad uu shalay uu wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Yugaandha Sam Kutesa oo lasoo bandhigay Khamiistii ayuu ku yiri: “Arrintan waa mid majo-xaabinaysa in Yugaandha ay ciidammo kale u dirto dalka Soomaaliya, waxayna caqabad ku tahay howlaha aan uga qaybqaadnayno nabad ilaalinta gobolka iyo midda calaamka.”

Ugandan soldiers pull out of the Democratic Republic of the Congo in April 2003

Xukuumadda Yugaandha , ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan ciidamo nabad ilaalineed ah, kuwaasoo  dagaalo kula jira xoogagga Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira dowladda KMG ah, kuwaasoo wacad ku maray inay xukunka ka tuurayaan dowladda ay taageerto Qarammada Midoobay.

Tallaabada ay ku dhawaaqday Yugaandha, ayaa waxay dhabarjab ku noqonaysaa howlaha nabad ilaalineed ee Midowga Afrika ay kawadaan Soomaaliya, waxaana ciidammadeeda AMISOM ay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Dekedda, Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada.

Dowladaha Rwanda iyo Burundi, ayaa sidoo kale beeniyay warbixiintaas, waxayna Rwanda ku hanjabtay inay ciidamadeeda ku sugan gobolka Darfuur ee dalka Suudaan ay la baxayso, iyadoo kaga jawaabaysan warbixintan lasoo daabacay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dalalka Uganda, Burundi iyo Rwanda ay ciidamadoodu ka geysteen dalka Congo gabood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dadka shacabka ah ee dalkaas oo lagu kor dagaalamayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya