5/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 6 , 2010
Maamulka Dekedda Muqdisho oo ka wabixiyay xaaladaha dekedda iyo markab uu dab ku qabsaday (DAAWO SAWIRRO)

Somali porters at the seaport of Mogadishu, Somalia, offload coal from a cargo ship after it caught fire in Mogadishu, Somalia, Friday ,Nov. 5, 2010. It is unclear what caused the fire.

Sabti, 06 November, 2010 (HOL) − Maamulka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa ka warbixiyay howlaha dekedda iyo markab dhuxul waday oo uu dab qabsaday isagoo ku xiran dekeda. 

"Holwlaha dekedda waa kuwo si caadi ah ku socda, waxaana ku guuleysannay inaan dambinno markab uu dab ku qabsaday dekedda," sidaa waxaa yiri maareeye ku xigeenka dekedda Muqdisho Axmed Shariif Cali Hilowle oo saxaafadda la hadlay.

Maareeye ku xigeenku, wuxuu sheegay in markabka ay dambiyeen uu dhuxusha kasoo qaaday dekedda Kismaayo, uuna ku socday dalka Imaaraadka ah carabta, iyadoo dambku uu qabsaday isagoo shidaal iyo biyo ka qaadanaya dekedda.

"Markabka, oo ka diiwaangashan dalka Koonfurta Kuuriya ayaa wuxuu siday dhuxul gaaraysa 100,000-loor, shaqaalaha la socda oo 22-qof ahna waxay kasoo jeedaan dalalka Aasiya," ayuu hadalkiisa raaciyay maareeye xigeenka dekedda Muqdisho.

Sidoo kale, mar uu ka hadlay howlaha dekedda Muqdisho, ayuu sheegay inay si wanaagsan ku socdaan, wuxuuse ku eedeeyay kooxaha burcadbadeedda ah inay dhibaato ku yihiin maraakiibta ganacsiga ee kusoo wajahan dekedaha Soomaaliya.

"Burcadbadeeddu, waxay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, haddii aan wax laga qabanna waxaa imaanaysa in howlaha dekedaha dalka ay hoos u dhac ku yimaadaa," ayuu yiri Hilowle.

Dhanka kale, mar ka jawaabayay su'aal ahayd in ganacsiga kasoo dega dekedda Muqdisho ay qaarkood yihiin kuwo dhacay, ayaa wuxuu maareeye ku xigeenku sheegay inay jiraan hay'ado u xilsaaran baaritaanka raashinka soo dagaya, aysanna jirin raashin dhacay oo dekedda kasoo daga.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya