4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 6 , 2010
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo xukunno tacsiir ah ku fulisay maanta laba qof oo lagu eedeeyay Meher Qudbo-siro ah

Khamiis, May 06, 2010 (HOL) − Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta xukunno tacsiir ah ku fulisay Yuusuf Macallin Cali iyo Macallin Cismaan Nuur oo lagu eedeeyay inay sameeyeen Qudbo-siro.

Sheekh Cumar oo ah qaaliga Maxkamaddii xukunka tacsiirta ah ku riday labadan qof ayaa sheegay in ciidamada Xisbadu ay soo qabteen iyagoo Qudbo-sirada ku dhex jira ayna Maxkamaddu ku xukuntay Karbaash.

"Maxkamaddu waxay ku xukuntay Yuusuf Macallin Cali oo ahaa ninkii sameeyay Qudbo-sirada oo 67-jir tacsiir 20-Karbaash ah, sidoo kale Macallin Cismaan Nuur oo ahaa Sheekhii ku mehrinayay gabadha waxaa lagu xukumay 30-karbaash" ayuu Maxkamadda horteeda ka sheegay Qaaliga Maxkamadda Xarrkatul Shabaab.

Xukunkan tacsiirka ah ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee Duleedka Muqdisho iyadoo ay daawadayaal ka ahaayeen dadweyne fara badan oo ka koobnaa rag iyo dumar, waxaana isla goobta laga sheegay inuusan jirin meherkaas.

Inkastoo gabadaha la mehersaday aan goobta la keenin, haddana Sheekh Cumar wuxuu sheegay in meher aanu joogin wakiilka gabadaha uu yahay mid ka baxsan diinta Islaamka, lana karbaashi doono ciddii lagu soo qabto.

Xukunka lagu fuliyay labadan qof oo kii ugu horreeyay noociisa oo ay Xarrakatul Shabaab ka fuliso Muqdisho ayaa haddana waxaa caado ka ah Magaalada Muqdisho in dhallinyarada haweenka iyo ragga ah ay sameeyeen Meher-Qarsoodi ah.

Maxkamadda ayaa hal todobaad ka hor fulisay xukun dil ah iyo mid xad ah, kaddib markii lasoo taagay Maxkamadda laba qof oo ku eedeysnaa xatooyo iyo dil bareer ah, waxaana xukunkaas lagu fuliyay goob fagaare ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya