Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo la wareegay deegaanno ay gacanta ku hayaan Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Jimco,  28, May, 2010 (HOL)  Wararka laga hellayo Goballka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay ay la wareegaan deegaanno oo ay gacanta ku hayeen Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Deegaannada ay la wareegeen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah Galqoryaalle, Ceel-dheer, iyo Mareer-gur oo dhamaatood Istiraatiji u ah koontaroolka iyo gacan ku heynta degmooyinka waaweyn ee Goballka sida degmada Dhuusa-mareeb oo xarunta u ah Goballka Galgaduud.

Wararku waxaa ay sheegayaan in la wareegida deegaannadaa aysan ku iman dagaal dhaxmaray labada dhinac laakiin Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca goor horeba halkaa isaga baxeen, waxaana si Nabadgalyo ah halkaa ku soo galay Xoogagga Al-shabaab oo ilaa hadda lagu soo waramayo in ay ku sugan yihiin deegaannadaas.

Ma'jirro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku aadan la wareegedda deegaannadaas.

Al-shabaab ayaa horay gacanta ugu dhigay deegaanno ay ka mid ahaayeen Galcad, Masago-waa,  iyo Ceel-dheer oo dhamaantood xiga dhinaca Xeebta, iyada oo maalintii shalayna ay maamul cusub u sameeyeen Tuulada Xiindheer oo ka tirsan Goballka Galgaduud sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Al-shabaab ee Goballka Galgaduud Yuusuf Shiikh Ciise Kabo-kutukade.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya