Isniin, May 24, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahiin Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Hoggaankii Socdaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaallo ay la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen wuxuu sheegay in ciidamadooda ay kaga guuleysteen kuwa dowladda dagaallo ay la galeen ayna kaga qabsadaan deegaannadii ay kaga sugnaayeen Waqooyiga Muqdisho.
"Xogta aan heleyno waxay sheegaysaa in ciidamadii Dowladdu ay kala tageen, mana jiraan wax u dhexeeya Xoogaggeena iyo kuwa AMISOM, dagaalkuna wuxuu ku wajahan yahay Madaxtooyada" ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Ma'suulkan wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin inay dagaal adag la galaan ciidamada AMSIOM oo uu sheegay inay difaac u yihiin Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay madaxda dowladdu ku sugan yihiin.
"Waa in loo diyaargaroobo in la qabsado Madaxtooyad, qof walbana waa inuu soo qaato wixii ay awoodaan, Mujaahidiinta waa ka go'an tahay inay dullaan ballaaran ku qaadaan Madaxtooyada" ayuu yiri Sheekh Cali oo u dirayay dagaalyahannadooda fariin dagaal.
Hadalka Mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo saakay uu Muqdisho ku laabtay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana Dagaallo ku dhexmaray saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Xarrakatul Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay inay dagaal weyn ku qaadi doonaan ciidamada AMISOM iyo Madaxtooyada Soomaaliya
More News
- Isku shaandheyn lagu sameeyay Galinkii dambe maanta Maamulka Islaamiga ah ee Degmada kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in cadaadis lagu saaray in la sii daayo dadka u xidhan falalka Argagixiso ee ku jira Xabsiyada dalka.
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay soo rartaan maraakiibta ku jirta caymiska, si ganacsigooda ugu badbaado"
- Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljacaama oo sheegay inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xoogagga Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo ka mamnuucay deegaannada ay gacanta ku hayaan Isticmaalka Tusbaxa
- Qoysaskii ku harsanaa Degmooyinka Magaalada Muqdisho oo bilaabay inay guryahooda isaga barakacaan, kaddib dagaallo xooggan oo ka dhacay
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ka warbixiyay shirkii Turkey
- Qoys ka koobnaa Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay oo degmada Buula-burte ugu geeriyooday Biyo sumeysan oo ay cabeen.