Munaasabad lagu Xusayay Sanadguuradii 67aad ee SYL oo lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee Dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)

Axad, May 16, 2010(HOL): Sunday, May 16, 2010Munaasabaday soo qabanqaabisay Jaaliyadaha Gobalka Gävleborg ee Soomaaliyeed laguna maamuusayay sannadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee wadanka Sweden
Xuska oo aay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Gobalka Gävle Gaar ahaan haweenka Söderhamn iyo Kuwa Gävle ayaa waxaa ka soo qebgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala socday Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo weliba Mas’uuliyiin ka socotay Dowlda Gobalka.

Furitaanka Munaasabadda kadib waxaa Qudbad dheer ka so jeedisay Marwa Faadumo Cabdulaahi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada haweenka ee Söderhamn. marwa Faaduma waxeey aad ogu dheeraatay Taariikhda Ururkii dhalinyarada SYL iyo guushii aay ka soo hoyeen halgankii xornimo-doonka.
Faadumo Cabdulaahi Cabdi sido kale waxay aad ugu dheeratay Isku duubnida iyo wanaaga aay laheyd Soomaalidii hore iyo mida maanta joogto waa sida ay hadalka u dhigtaye. dhanka kale waxay gubaabin u soo jeedisay dhamaan dhalinyarada joogta dalka iyo dibadba waxayna tiri waxaan idin kula dardaarmayaa dhalinyaroy inaad gacmaha is qabsataan meel walba oo aad joogtaan kuna dayayaan sidii Uruurkii gobanimo-doonka ahaa ee SYL.
Sido kale waxaa munaasabada Hadal Wanaagsan ka soo jediyaay Xubin Sare ee ka socday Ururka Wadaniga Soomaaliyed Mudane Cabdulaahi Yalaxow Maalin kana mid ah Odayaasha deegaanka Söderhamn waxuuna sheegay in ay muhiim tahay in la xasuusto Xornimadii Soomaaliya iyo dhibkii loo soo maray. waxuu sheegay Cabdulaahi in maanta aysan jirin Dhalinyaro la mid ah kuwii SYL oo kale hase ahatee waa suura gal ayuu yiri in la helo dad u taagan Badbaadintii Umada Soomaaliyeed. Cabdulaahi waxuu aad ugu dheeraaday dadka neceb wanaaga Soomaalida oo ku tilmaamay Cidkasta oo caqabad ku ah Nabadda Soomaaliya.

Sido kale waxaa munaasada ka soo qeyb galay Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ahne Abwaan si weeyn looga yaqaano dhamaan Gayiga Soomaaliya Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ayaa isagane halkaasi ka sameyaay Ruwaayad ka Turjumeysa Doorka ay dhalinyarada ku leeyihiin Nabadda iyo Xasiloonida wadan walba.

Dhanka kale waxaa munaasabadda ka hadlay Mudane ka socday Xisbiga ABF waxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tan “dhamaan ka soo qeyb galayaasha Munaasada waan u mahad celinayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha munaasabada waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo jaaliyadaha sameyaay kulankan, anigana waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyaro Xasuusan Gobanimadoodii iyo sidii ay xoriyadda ku qaateen ama xusaya sanad walba annaga haddii aanu nahay Xisbiga ABF dadka Soomaalida ee degan dhamaan Sweden aad baan u jecelnahay waana soo dhaweyna markastana waxaan Cod badan ka helnaa Soomaalida wadanka ee heysata dhalashada Sweden”.
Gabagabadii Gudoomiyaha Jaaliyada Gävle Mudane Saciid Maxamed ayaa Isagane hadal qiimo u leh dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ka soo jediayaay Xaflada Saciid waxuu yiri “anaga haddii aan nahay Soomaali Innaga ayaa duminay Dalkeena sow haddana ma dhisan karno, jawaabtu waa haa”Siciid wuxuu caddeeyay in loo baahan yahay in la helo dhalinyaro la mid ah SYL, kuwaasi oo xor ka ah qabiil, jahli, isla markaana u istaaga qadiyaddii Somaliweyn.







Cabdiraxmaan Diiriye Nuur,
nuure1000@hotmail.com
Sweden Söderhamn