3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010
Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaanno horay ugu sugnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna
Khamiis, Maarso 4, 2010 (HOL) Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan ayaa sacaadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaanno maalmo ka hor ay ka sugnaayeen Ciidamada Xoogagga ka soo horjeeda ee Ahlu Sunna Waljameeca.
 
Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaallka ayaa meelaha ay maanta gaareen waxaa ka mid ah deegaannka lagu magacaabo Beer-gadiid oo ka tirsan degmada Matabaan halkaa oo maalmo ka hor ay sugnaayeen Ciidamo uu horkacayo Guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo hadda ka mid ah Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.
 
Lama sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaa maadaama Xoogaggii Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugnaa deegaannka isaga baxeen markii ay maqleen warka ku saabsan in ay halkaa ku soo jeedaan Ciidamada Ururka Xisbul Islaam.
 
Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa muujinaya sida ay uga soo horjeedaan dhaq dhaqaaq kasta oo ay Xoogagga Ahlu Sunna ka sameeyeen qeyb ka mid ah Goballka Hiiraan, kadib dagaalllo dhowr jeer oo hore labada dhinac ku dhaxmaray Magaalada Beledweyne kuwaa oo markii danbe looga adkaaday Xoogaggii Ahlu Sunna Waljameeca oo ay horkacayeen Saraakiil hore uga tirsanaan jirtay Maamuladii soo mara Goballka Hiiraan sida Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Aada Cabdi Ciise (Garaaso )
 
Waxaa xusid mudan in deegaannka Beer-gadiid oo ay maanta tageen Ciidamada Xisbul Islaam ee Maamula Magaalada Beledweyne labo maalmood ka hor Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku fuliyay Xukun qas-qaas ah sida uu Warbaahinta u sheegay Aadan Cabdi Ciise oo goob joog ka ahaa fulinta Xukunka qas-qaasta ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/4/2010 1:03 PM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL)Kadib Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka oo ka dhacay xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo eek u taal nawaaxiga saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu magacaabay xubno cusub oo uu yeesho maamulka xarakada alshabaab ee gobollada Jubooyinka.

3/4/2010 7:59 AM EST
Khamiis, 04 March, 2010 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay lammaane Ingiriiska u dhashay oo Koox Dabley ahi ku haystaan Koonfurta Soomaaliya.

3/4/2010 7:58 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ugu baaqay Xarrakatul Shaabab iyo Xisbul Islaam inay nabad-qaataan ayna la hadlaan dowladda.

3/4/2010 7:58 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir guddoominayay shirkii wasiirrada Carabta ee lagu soo gabgabeeyay dalka Masar ayaa sheegay in DFKMG ah ay dalalka Carabta kaga baahan tahay gargaar deg-deg ah.

3/4/2010 7:57 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Burcadbadeedda gacanta ku haya Markabka shidaalka qaada ee laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa dalbaday 20-Milyan oo madaxfurasho lacageed ah si ay u sii daayaan Markabka iyo 14-shaqaale ah oo la socda.

3/4/2010 7:56 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo Sheekh Farxaan Cabdi Ciil-Mooge oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) uusan ka tirsanayn ururkooda.

3/4/2010 7:55 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay socdaan wadahadallo lagu doonayo in lagu sii daayo labada qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu hayso Soomaaliya.

3/4/2010 7:55 AM EST
Khamiis, Mar, 04, 2010 (HOL) Mudo ku dhaw 20-sano kadib ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Wasiir Soomaaliyeed shir gudoomiye ka noqday kulan ay leeyihiin Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta kaa oo dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

3/4/2010 3:19 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL):Duqii degmada Caluula Xareed Ciise Cumar ayaa Maanta istaqaaladii uu isku casili lahaa waxa uu u gudbiyay Golaha deegaanka degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Bari.

3/4/2010 3:17 AM EST
Arbaco, 03 March 2010 (HOL)- Todoba qof oo u dhashay dalka Hindiya oo ka mid ahaa 14 shaqaale ka ah Markab muddo shan bilood ah lagu haysto magaalada Berbera, ayaa loo duuliyay dhinaca magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

3/4/2010 3:16 AM EST
Arbaco, 03 March 2010 (HOL)- Roobab shalay ilaa xalay ka da’ay deegaano ka tirsan Deegaannada Somaliland, ayaa keenay khasaare kala duwan, waxaana arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

3/4/2010 3:16 AM EST
Khamiis, Mar, 04, 2010 (HOL) Ma ahan wax sahlan in aad ku safarto wadada isku xirta Magaalada Beledweyne ilaa laga gaaro degmada Jowhar ee xarunta u ah Goballka Shabeellaha dhexe bur burka ku dhacay wadada awgeed taasoo dhibaato weyn ay ku qabaan gadiidleyda iyo dadka isticmaala intaba.

3/4/2010 12:26 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Wafdigii ka socday xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee mudooyinkii danbe ku sugnaa gobolka j/hoose ayaa waxa ay dhawaanahanba kulamo kala gooni gooni ah la lahaayeen odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubooyinka.