Arbaco, Mar 31, 2010 (HOL) — Guddiga u xilsaaaran qabriyo burburinta Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta burburiyay qabriyo ku yaalla degmada Kaaraan, iyadoo qabriyadaas ay ku aasnaayeen culummo si weyn loo yaqaan.
Qubuuraha maanta la burburiyay ayaa waxay ku yaalleen Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu magacaabaan Afarta Macallin, iyadoo mas'uulka u qaabilsan Xarrakada Burburuinta Qabriyada uu sheegay in howlgalladooda ay socon doonaan illaa berri.
"Waxaan maanta burburinnay Qabriyo ay ku duugnaayeen Afar Macallin oo ku dhex yaallay Majid, waxaana ay ahaayeen meel ay barakeysan jireen dadka uu ku cuslaato barashada Qur'aanka iyo xifdintiisa" ayuu yiri Sheekh C/kariin Abuu-Yuusuf.
Mas'uulkan, wuxuu sheegay inay maalinta berri ah sidoo kale burburin doonaan qabri uu ku aasan Sheekh lagu magcaabo Axmed Dheere, kaasoo uu sheegay inuu ka mid yahay kuwa ay barakeystaan dad rumeysan Sheekhaas.
Howlahan lagu burburinayo Qabriyada ayaa waxay socdeen 9-maalmood iyadoo horay loo soo burburiyay qubuuro ay ku aasnaayeen culummo si weyn loo yaqaan, iyadoo dadweyne ka careysan falalkaan ay mudaaharaad ay kaga horjeedaan Xarrakatul Shabaab ka dhigeen Muqdisho.
Burburinta Qarbiyada ayay ku sheegeen Mas'uuliyiin u hadlay Xarrakatul Shabaab inay yihiin kuwo ay kaga hortagayaan shirki ay sheegeen in Alle loo sameynayo, isla markaana aysan joojin doonin inta ay suulinayaan shirkigaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarrakada Al-shabaab oo howlgallo lagu burburinayay qubuuraha Afarta Macallin oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho
More News
- Dowladda Soomaaliya iyo Punland oo heshiis ka gaaray khilaaf u dhexeeyay kaddib markii ay kulmeen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Dr. C/raxmaan Faroole
- Dagaal khasaare nafeed geystay oo beelo Soomaali ah ku dhexmaray Deegaannada Bacaadweyne iyo Camaaro ee Gobolka Mudug
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo maanta booqasho ku tagay guriga Golaha Shacabka oo la dayactiray
- Roobab Xoogaan oo Xalay ilaa saaka ka da'ayay qaar kamid ah deegaanada ku yaal galbeedka gobolka j/hoose.
- Dadaallo lagu dhex dhexaadinayo labo Beelood oo horay u dagaalamay ayaa ka soconaysa Magaalada Galkacyo ee G/Mudug
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaallada aan ku jirno ma joojinayno inta aan ka gaarayno hadafkeenna, waxayna qaadan karaan sanooyin"
- Dowladda Mareykanka oo ka fikireysa sidii ay uga qeyb qaadan laheyd qorshaha Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka uga saarto Xoogagga ka soo horjeeda.
- Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo diiday codsi kaga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed