4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Qaar ka mid ah Siyaasiinta Puntland oo ka soo horjeestay isku shaan-deyn uu Madaxweyne Faroole ku sameeyay Golahiisa Wasiirrada

Arbaco , March 03, 2010(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si gaar ah ula dar daarmay Wasiirro ku Cusub Xukuumada oo uu dhawaan soo magacaabay ,ka dib kulan ka dhacay Madaxtooyada Garowe.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyay Xubnaha cusub ayaa la sheegay in uu ku boorriyay Isbadal Maamulkiisa ah ,iyadoo Wali uu taagan yahay Muran ku aadan isku shaandaynta uu Madaxwaynaha Sameeyay.

Warar hoose oo laga helay ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah Wasiirada la casilay ay ka biyo diideen xil ka qaadistii lagu sameeyay ,Waxaana arintaa laga dareemay Caasimada Puntland ee Garowe.

Dhawaan Wareegto uu soo saaray Madaxwaynaha Waxaa uu ku casilay Wasiiro ka tirsanaa Maamulkiisa ,isagoo soo magacaabay Wasiirro Cusub oo aan horay loogu arkin jirin Saaxada Siyaasada,waxaana arintaa ay sababtay jawi cusub oo uu galo Maamulka.

Madaxwaynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa soo hadal qaaday maqnaanshaha Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada ,wuxuuna wasiirada u sheegey in looga baahan yahay wasiir kasta in uu Xafiiskiisa joogo hadii aysan jirin xaalad deg deg ah oo ku kalifaysa inuu aado gobolo kale ama Dalka Dibadiisa,wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaaday Wasiirada Boosaaso jooga oo uu u sheegey in aanan taasi loo dul qaadan doonin.

Maamulka Puntland ayaaa iminka laga dareemayaa isbadal cusub oo dhanka Shaqada ah ,waana talaabadii ugu horaysay oo uu qaado Madaxwaynaha tan iyo intii loo Magacaabay Xilkan.

Ugu dambayntii Madaxwaynaha Puntland Dr Faroolle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shaqada ay hayaan Golihiisa Wasiirada ,iyadoon la ogayn halka ay sal dhigan doonto Cabashada ay muujiyeen qaar ka mid ah Xubnihii laga casilay Maamulka.
 
Faisel Maxamed Hassan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya