11/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2010
Hay'adda Kheyriga ah ee Al-Manhal oo Ceel Biyo Macaan ka Qodday Degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag


Jimco, June 04, 2010(HOL): Ceel Qodis ka socotay Degmada Ceelbuh oo ka tirsan Gobolka sanaag ,isla markaana ay qodoysay Shirkada Furaat oo kaashanaysa hay'ada kheyriga ah ee AlManhal ayaa lagu guulaystay dadaal badan ka dib.

Degmada Ceelbuh ayaa horey waxaa ugu qodnaa labo Ceel oo aan biyo Fiican lahayn,isla markaana dabooli kari waayay baahida dadka deegaankaasi,Waxaana ay aad u soo dhaweeyaan Ceelkan Qodistiisa lagu Guulaystay oo muddo Gacanta lagu hayay.

Maxamuud Faarax Bille oo ah Masuulka shirkada Ceelkan Qoday ayaa sheegay in Ceelkan ay ka faa,idaysan doonaan Reer Miiga ku nool howdka Ceelbuh oo qaybo badan isugu jira iyo xoolahaba,Waxaana uu intaa ku daray in Ceelkan ay ka cabi karto cid kasto oo ku nool deegaankaasi.

Shacabka Magaalada Ceelbuh ayaa soo dhaweeyay dadaalka Ceelka Loogu qoday, iyaga oo u Mahad celiyay Hay'adda Al-Manhal, Kumanaan Ruux oo Reer Ceelbuh ayaa u soo baxay Meesha Ceelka Macaan laga qoday kuwaasi oo ay ka Muuqatay Hididiilo Farxadeed.

Dadka Taariikhda Kooba ayaa sheegaya in ilaa sanadkii 1960- ay tahay Markii Kowaad oo Magaalada Ceelbuh Ceel Biyo Macaan leh laga qodo, Waxaana horay loogu guulaysan waayay in deegaankaasi Ceel laga qado ,Balse Madaxda hayada Manhal ayaa sheegay in Dadka Ceelbuh ay iminka heleen Fursad aad u wayn.

Ugu danbayntii Hay'ada Almanhal ee fadhigeedu yahay Kuwait ayaa horay biyo qodis ugu samaysay Deegaanada Carmale iyo Hadaaftimo oo ka wada tirsan Gobolka Sanaag si looga bad baado abaaraha inta badan halkaa ka dhaca.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya