Madaxwaynaha Puntland Oo Sheegay in Saraakiil Argagaxiso ah lagu Qabtay Dagaalkii Maanta Dhex Maray Dowlada Iyo Kooxo Islaamiyiin ah

Isniin, 26 July 2010 (HOL)-Madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle oo Maanta shir ku qabtay Magaalada Garowe ayaa ka hadlay Dagaal maanta dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland iyo kooxo islaamiyiin ah oo Weerar ku soo qaaday Ciidamo ka tirsanaa Daraawiishta.

Waxa uu sheegay madaxwaynaha in kooxaha weerarka soo qaaday laga qabtay nin lagu magacaabo Jaamac Ismaaciil Ducaale oo la sheegay in uu ka tirsanyahay Argagaxisada Caalamiga ah, horayna u soo weeraray degmada Baargaal sanado ka hor.

Madaxwayne Faroolle ayaa xusay in ay jiraan dad laga dilay kooxaha Weerarka soo qaaday ,Waxaana uu sheegay in Dagaalkan uu yahay mid aan loo kala hari doonin si loo soo gaba gabeeyo.

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Boosaaso meel u dhaw dagaal aad u xoog badan, kooxihii weerarka soo qaadayna waa la caabiyay dhimasho badan ayaana gaartay waana laga sifeeyey meelihii ay soo weerareen, waxaana laga qabtey saraakiil ka mid ahayd kuwa weerarka soo qaadey oo uu ka mid yahay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ahaa ninkii hadda ka hor soo weeraray magaalada Baargaal isaga oo wata ciidamo ajnabi ah wata" ayuu  yiri Madaxwaynaha.

Madaxwayne Faroolle ayaa ka codsaday shacabka Puntland in ay ka qayb galaan dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ,Waxaana uu ka digay in argagaxiso ay soo gasho gudaha puntland.

Hadalka Madaxwayanaha ayaa laga dareemayay caro aad u badan oo la xiriirta dagaalka lagu soo qaaday ciidamada Puntland ,Waxaana la sheegay in Bosaaso la keenay Ciidamo hor leh  oo ka tirsan dowlada ,kuwaasi oo ku soo dhaawacmay dagaalka labada dhinac dhex maray.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]