5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2010
Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Xaafadda Störa ee Dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)


Sabti, July 03, 2010(HOL): Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ku began xornimo-qaadashadii Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay Xaafadda Störa ee Magaalada Lindesberg ee dalka Sweden, iyadoo xafladdaasna ay ahayd mid ay si weyn uga soo qeybgaleen dadweyne aad u faro badan.

Xafladda oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Soomaalida ku dhaqan Xaafadaha Störa, Stråssa iyo Kopperperi ayaa waxaa looga hadlay taariikhda Soomaaliya iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xornimo-qaadashadii Soomaaliya.


Munaasabadda waxaa ka hadashay Safiyo Cali Maxamuud oo ka mid ahayd qabanqaabiyayaasha Xafladda, waxayna ka taariikheysay halgankii loo soo maray xornimada Soomaaliya, waxayna xustay in sanadkii 1960kii ay Gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya oo ay kala heysteen Dalalka Britain iyo Italy ay xornimo buuxda qaateen.

“Sida aad la socotaan 26-kii June 1960 waxaa xornimo ka qaatay Britain gobollada Waqooyi, iyadoo afar maalmood kaddibna ay xornimo ka qaateen Talyaaniga Gobollada Koofureed, kaddibna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii midoobay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur”ayay tiri Safiyo Cali Maxamuud.


Safiyo waxay intaas ku dartay in ay nasiib darro tahay in 50 sano kaddib halgankii loo soo galay xornimada Soomaaliya ay maanta  dadka Soomaaliyeed ku jiraan marxalad aad u adag oo nabad iyo nolol la’aan ah.

“Waxaan Allaah ka baryeynaa in uu dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka dul-qaado, isla markaana uu dhinacyada is-haya uu garan-siiyo wanaagga iyo Soomaalinimada waxa ay tahay”ayay mar kale tiri Safiyo Cali Maxamuud.


Haddaba Xafladdii lagu qabtay Xaafadda Stora ee dalka Sweden oo ka qeybgalayaashii ay si weyn ugu damaashaadeen munaasabadda sanad-guuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii ay Soomaaliya xornimada ka qaatay gumeystayaashii Britain iyo Italy.

Ugu dambeyntii, xafladda oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxay ka qeybgalayaasha isugu hambalyeynayeen munaasabadda xornimo-qaadashadii Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena Alle ka baryayay in uu dhibaatada ka dul-qaado Dalka Soomaaliya.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]