Baaq ka dhan ah dowlad goboleedka Puntland oo ay soo saareen waxgaradka Gobolada Haylaan iyo Galbeedka Bari

BAAQ
Monday, July 19, 2010

 

Dahar - Waxaa shalay oo taariikhdu tahay July 18, 2010 ka dhacay magaala madaxda gobolka Heylaan ee Dhahar shir ay isugu yimaadeen dhamaan cusqaasha iyo waxgaradka gobollada Haylaan iyo Galbeedka Bari, waxaana laga wada hadlay xaalada deegaanka oo ay ugu horeyso arinta beryahanba ka taagnayd deegaanka Galgala. Odayaashu waxay aad uga wada hadleen dhibaatada iyo khatarka ka dhalan karta hadii dagaal iyo colaadi ka bilaabato deegaanka iyo weliba saameynta ay ku yeelan karto deganaanshaha iyo xasiloonada Puntland. Markay dhinacyo badan wax ka eegeen ayay waxay odayaashu go’aansadeen in ay sii wadaan dadaalkoodii nabadraadinta ku salaysnaa oo ay billihii lasoo dhaafay oo dhan deegaanka ka wadeen.

 

Sida kasoo baxday ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in maamulka Puntland kutalo jiro in uu dagaal ku qaado deegaanka Galgala iyo meelaha kale wax lagasoo sheegayo. Waxaa taa sii dheer in website-ka Garowe Online lagu soo qoray qoraal lagaga been abuurtay odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas in ay dawlada Puntland ku raacsanyihiin in ay weerarto deegaankooda (eeg qoraalkan).

 

 

Hadaba shirkii maanta waxaa kasoo baxay qodobadan hoos ku qoran kuwaas oo ay gaadheen dhamaan caaqilada iyo waxgaradka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

 

1-      Hadaanu nahay cuqaasha, waxgaradka iyo odayaasha Warsangeli ee deegaanka Haylaan iyo Galbeedka Bari waxaanu aad uga xunahay oo aanu aad u cambaareyneyna in laga been sheego magaca beesha iyo odayaasheeda. Waxaanu u sheegaya ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in beeshayadu shaqo ku lahayn, si toos ah iyo si dadban, raali ka noqon doonin in dhulkayaga colaad laga rido cidkastaba ha noqotee.

2-      Waxaanu ogaysiinaynaa ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in aanu doonaayno diyaarna u nahay inaanu nabad ku soo dhamays tirno arinta ka taagan deegaanka galbeedka gobolka Bari gaar ahaan xaalada deegaanka Galgala, wakhtina lasiiyo odayaasha arintaa ku guda jira, dawladaha Puntland iyo dawlada ku meelgaarka ah, iyo beesha caalamkuna ay gacan ku siiyaan sidii arintaa nabad loogu dhamayn lahaa;

3-      Waxaanu shacabka reer Puntland u sheegaynaa in odayaasha iyo waxgaradka deegaanku ay doonayaan in ay arintan nabad ku xaliyaan, hadiise inta hawsha lagu jiro uu maamulka Puntland deegaanka weerar kusoo qaado in wixii meesha ka dhaca ay dawlada Puntland masuuliyadeeda keligood qaadi doonaan;

4-      Waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka Puntland iyo mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan in ay arintan soo dhexgalaan oo ay ka hortagaan colaad ka dhacda gobolka taas oo cid walba saameyn karta;

5-      Waxaanu ka digaynaa hadii talada arintan lala garab maro odayaasha iyo caaqilada beesha  ay colaadani wejiyo badan yeelan doonto.

 

 

 

 

Waxaa baaqan saxiixay nabadoono iyo waxgarad ay ka mid yihiin:

 

1-      Nabadoon Cabdi Cali Faarax

2-      Nabadoon Axmed Siciid Madaxay

3-      Nabadoon Faarax Cali Ilsar

4-      Nabadoon Saxaradiid Cali Dhawaaq

5-      Nabadoon Maxamed Yousuf Shire

6-      Nabadoon Maxamoud Cumar Muuse (Jaynacad)

7-      Nabadoon Xaaji Cabdi Ibrahim Maxamuud

8-      Nabadoon Axmed Xasan Cabdi Dharaar

9-      Nabadoon Siciid Xasan Xaaji Yousuf

10-  Nabadoon Muuse Gabayre Axmed

11-  Nabadoon Salaad Siciid Jibe

12-  Nabadoon Cabdi Salaad Faarax

 

Wixii faahfaahin arintan ku saabsan la xiriira:[email protected]