3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2010
Xoogagga Al-Shabaab oo la wareegay gacan-ku-heynta Magaalada Beledweyne

Jimco, January 22, 2010(HOL): Wariyaheena Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini  ayaa soo sheegaya in Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne ay la wareegeen Xoogag ka amar qaata Xarakada Al-Shabaab.

 

Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay gacan-ku-heynta magaalada la wareegeen kaddib markii xoogaggii dhawaanahan ku dagaallamayay gudaha magaalada ee Ahlu Sunna iyo Xisbul Islaam ay isu baxeen duleedka magaalada, isla markaana uu saaka dagaal ku dhexmarayay inta u dhaxeysa deegaannada Xujuub iyo Baardheere oo duleedka Beledweyne ah.

 

Saraakiishii Ahlu Sunna iyo Ciidamo ay wateen oo maalmihii tegay fariisin ku lahaa Xaafadda Nuur Xawaad ee magaalada ee Magaalada Beledweyne ayaan la ogeyn meel ay aadeen, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay u baxeen dhinaca Deegaanka Ceel Gaal.

 

Magaalada Beledweyne oo inta badan dadkii ku nool ay dagaallo aawadood uga barakaceen ayaa waxaa in muddo ah gacan-ku-heynteeda ku loollamaya xoogag iska horjeeda, kuwaasi oo marba kooxo la ceyrsado.

 

Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

 













Click here
1/22/2010 2:52 PM EST
Jimco, 22 January 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed iyo amni.

1/22/2010 8:05 AM EST
Jimco, January 22, 2010(HOL): Kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee la wareegay gacan ku haynta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa u dhacay xarumo ay ha'yaddaha WHO iyo Save the Children UK ku lahaayeen Magaaladaas, iyagoo ka qaatay qalabkii yaalay oo ay ku jireen Computers.

1/22/2010 7:36 AM EST
Jimco, January 22, 2010(HOL): Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay inaysan xiligan doonayn inay weerar ku qaadaan dalka Kenya, isagoo caddeeyay in hadal hanjabaad ah oo ay saxaafadda baahisay oo la sheegay in Amiirka Al-Shabaab uu bixiyay uu ahaa mid looga been abuurtay Amiirkooda.

1/22/2010 7:35 AM EST
Jimco, January 22, 2010(HOL): Mas’uuliyiin ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga DGPL.,Waxaana soo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada.

1/22/2010 3:23 AM EST
Jimco, January 22, 2010(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in lagu taageero hub ay isaga difaacdo kooxaha kasoo horjeeda oo ballan ku galay inay kursiga ka tuuri doonaan dowladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariif.

1/22/2010 3:21 AM EST
Jimco, January 22, 2010(HOL): Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in la xaliyay khilaaf ballaaran oo u dhaxeeyay Maamulka iyo hay’adaha samafalka ee ka howl gal meelo ka mid ah Puntland,kaasi oo ku saabsanaa eedaymo ay labada dhinac kala tirsanayeen.

1/21/2010 11:58 PM EST
Jimco, January 22, 2010(hol): Labo dhalinyaro soomaaliyeed ah ayaa lagu gubay goob ganacsi oo ay ku lahaayeen xaafad ku taalla duleedka magaalda Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

1/21/2010 11:35 PM EST
Jimco, January 22, 2010(HOL): Wariyaha Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya in goor dhaweyd uu dagaal xooggan ka bilowday inta u dhaxeysa deegaannada Xujuub iyo Baardheere oo ku yaalla duleedka Magaalada Beledweyne.