5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2010
Iska horimaad xoog leh oo maanta ka dhacay Masjidka Weyne ee Jaamici Mosque ee bartamaha magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)

Jimco, January 15, 2010(HOL): Afar qofood ayaa la soo sheegay in ay ku dhaawacmeen iska horimaad maanta ka dhacay Masaajidka Jaamic Mosque ee ku yaal bartamaha magaalada Nairobi. Dhaawaca ayeey dad badan sheegayaan in uu intaa ka badan yahay. Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in halkaas hal qof ku dhintay.

Iska horimaadkan ayaa wuxuu salka ku hayaa nin muslim ah una  dhashay dalka Jamica oo ay dowladda Kenya ka masaafurisay dalkiida. Ninkaas oo la sheegay in dib loogu soo laabay dalka Kenya ka dib marka ay diiday dowladda Najeeriya in uu waddankeed (Transit) ku sii maro.

Rabashadii halkaas ka socotay ayaa hadda waxay isku bedeshay mid u dhexeeysa dhallinyaro ka socota shacabka Kenya iyo dhallinyaradii ku sugneyd Jaamici Mosque. Waxaan hadda muuqata in Masaajidka Jaamic ay dhagxaan ku tuurayaa dad reer Kenya ah oo ku sugan halkaas. Waxaa cabsi lagaa qabaa in rabshadahan sii ballaartaan oo aanan la kala dhexgalin dhallinyarada halkaas isku haya.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Soomaaliya