4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2010
Deeq daawo ah oo ay soo dhiibeen shacabka Mareykanka oo maanta ka soo degtay Dekedda Muqdisho (Daawo Sawirro)


Jimco, 12 Feb, 2010 (HOL) Dekeda magaalada Muqdisho ayaa maanta laga soo dejiyay deeq Daawo ah oo ka timid shacabka Mareykanka oo iyagu ugu deeqay shacabka tabaaleysan ee Soomaaliyeed oo ay muddo 20 sano ah la degeen dagaalo, abaaro iyo dhibaatooyin kale oo isbiirsaday.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dr. Khaalid Cumar Cali ahna sii hayaha xilka Wasaaradda Caafimaadka ayaa saxaafada tusiyay daawadaasi oo ka koobneyd 96 kartoon una dhiganta (10 Tone) xilli ay ka soo degeysay Dekedda weyn ee Muqdisho oo uu taagnaa Markabkii siday.


Wasiirka oo shir jaraa’id saxaafada u qabtay ayaa sheegay in deeqdan daawada ah ay ka timid shacabka Mareykanka isla markaana ay ugu talo galeen shacabka tabaaleysan ee Soomaaliyeed, isagoo ku xusay inay ku talo jiraan inay u qeybiyaan isbitaalada Magaalada Muqdisho si ay ugu badbaadiyaan shacabka dawo yarida ba’an ay heyso.

“Waxaan u mahadcelineynaa shacabka Mareykanka oo isagu gartay in shacabka Soomaaliyeed ay heyso daawo yari isla markaan agu deeqay 10 Tone oo Daawo ah” ayuu yiri Mr. Khaalid oo caddeeyey in daawadani ay isugu  jirto noocyada gargaarka deg dega ee dhaawacyada, nooc lagu daweeyo TP-da, Qaaxada, Maleeriyada, Shubanka iyo IWM.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in ay rajeynayaan in daawadan ay wax weyn ka qabato baahida Daawo la’aaneed ee ka jirta Isbitaalada magaalada Muqdisho maadaama ay maalin kasta dhacaan dagaalo iyo fowdo kala duwan taasoo dhibaato soo gaarsiisa shacabka isla markaana aaney jirin awood buuxda oo kaafisa daawada, taasoo mararka qaar ay dhacdo in daawo la’aan ay dad ugu geeriyoodaan qeybo ka tirsan caasimadda.


 
Maxamed Xuseen Ugaas
[email protected]