May-16-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2010
Deeq daawo ah oo ay soo dhiibeen shacabka Mareykanka oo maanta ka soo degtay Dekedda Muqdisho (Daawo Sawirro)


Jimco, 12 Feb, 2010 (HOL) Dekeda magaalada Muqdisho ayaa maanta laga soo dejiyay deeq Daawo ah oo ka timid shacabka Mareykanka oo iyagu ugu deeqay shacabka tabaaleysan ee Soomaaliyeed oo ay muddo 20 sano ah la degeen dagaalo, abaaro iyo dhibaatooyin kale oo isbiirsaday.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dr. Khaalid Cumar Cali ahna sii hayaha xilka Wasaaradda Caafimaadka ayaa saxaafada tusiyay daawadaasi oo ka koobneyd 96 kartoon una dhiganta (10 Tone) xilli ay ka soo degeysay Dekedda weyn ee Muqdisho oo uu taagnaa Markabkii siday.


Wasiirka oo shir jaraa’id saxaafada u qabtay ayaa sheegay in deeqdan daawada ah ay ka timid shacabka Mareykanka isla markaana ay ugu talo galeen shacabka tabaaleysan ee Soomaaliyeed, isagoo ku xusay inay ku talo jiraan inay u qeybiyaan isbitaalada Magaalada Muqdisho si ay ugu badbaadiyaan shacabka dawo yarida ba’an ay heyso.

“Waxaan u mahadcelineynaa shacabka Mareykanka oo isagu gartay in shacabka Soomaaliyeed ay heyso daawo yari isla markaan agu deeqay 10 Tone oo Daawo ah” ayuu yiri Mr. Khaalid oo caddeeyey in daawadani ay isugu  jirto noocyada gargaarka deg dega ee dhaawacyada, nooc lagu daweeyo TP-da, Qaaxada, Maleeriyada, Shubanka iyo IWM.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in ay rajeynayaan in daawadan ay wax weyn ka qabato baahida Daawo la’aaneed ee ka jirta Isbitaalada magaalada Muqdisho maadaama ay maalin kasta dhacaan dagaalo iyo fowdo kala duwan taasoo dhibaato soo gaarsiisa shacabka isla markaana aaney jirin awood buuxda oo kaafisa daawada, taasoo mararka qaar ay dhacdo in daawo la’aan ay dad ugu geeriyoodaan qeybo ka tirsan caasimadda.


 
Maxamed Xuseen Ugaas
ugaasyare114@gmail.com

12/02/2010 1:57 PM EST
Jimco, 12 Feb, 2010 (HOL) Dagaallo iyo duqeymo ay ku dhinteen dad ku dhow 10-qof ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ku dhow 25-qof oo shacab ah.

12/02/2010 1:56 PM EST
Jimco, 12 Feb, 2010 (HOL) Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Saalax Badbaado ayaa lagu la'yahay maalintii labaad Magaalada Muqdisho iyadoo aan la garanayn halka uu rasmi ahaan ku sugan yahay.

12/02/2010 10:34 AM EST
Jimco, 12 February 2010(HOL): Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday dalka Sacuudiga Wasiirkii Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ahaa dadkii uu dhaawaca culus ka soo gaaray qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho ka dhacay 3-dii December ee aanu ka soo gudubnay.

12/02/2010 9:25 AM EST
Friday, February 12, 2010(HOL): Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta Salaaddii Jimcaha kaddib dadweyne aad u faro badan kula hadlay Masjidka Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku baaqay dagaal ka dhan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee gacanta siinaya.

12/02/2010 8:12 AM EST
Soomaalida Britain oo qaban-qaabo xoog leh ugu jirta sidii loo siideyn lahaa oo ay dib u xoriyadooda ugu heli lahaayeen lamaane ingiriis ah (British) oo u afduuban kooxo dabley Soomaali ah. Paul and Rachel Chandler inka badan 100 casho.

12/02/2010 8:11 AM EST
Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar Kaar waxaa lagu soo gaba gabeeyay Colaad u dhaxaysay labo beelood oo wada dega Gobolkaasi ,kuwaasi oo ay ka dhaxaysay dhiilo Colaadeed.

12/02/2010 5:52 AM EST
Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Mas'uuliyiinta Maamulka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan ayaa maanta ayaa maanta markii ugu horeysay meel fagaaro ah kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne kadib kulamo maalmihii aynu soo dhaafnay Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam iyo Odayaasha qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan Goballka Hiiraan.

12/02/2010 5:49 AM EST
Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tababarka Tababarayaasha Kubadda Koleyga heerka 1-aad [Coaches Clinic Level I ]oo ay soo qabaqanqabiyeen FIBA iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna socday 2-dii ilaa 11-kii bishan.